Maqaal aad u xiisa badan oo ku dhisan Xisaab Tirakoob ah (Statistical Figures) ayuu qoraaga isku magacaaba Yakume oo aadka ula dooda qawmiyadaha la’isku yidhaahdo Xabasha soo dhex dhigay Qawmiyadaha ku kulmay waxay ugu yeedhaan federaalka Itobiya. Wuxuu qoraaga ku bilaabay Tirakoobkiisa;

Tirada Dadweynaha Itobiya marka Gobolo loo eego (Waana Tira-Koobkii Dadka iyo Guryaha ee 2007) wuxuu ahaa sidan;

Oromia : 27,158,471 (36.7%)

Amhara : 17,214,056 (23.3%) Ugu yaraan 2 million (oon ahayn Amhara oo ka baxay) ayaa laga goynayaa.

Somali: 4,439,147 (6.0%) (qaxootiga iyo dadka la barakiciyay ee gudaha jooga iyo waliba dadka reer guuraaga ah lama tira-koobin.)

Tigray: 4,314,456 (5.8%) Agew, Kunamas

SNNP: 10,377,028 (20.4%)
Afar: 1,411,092 (1.9)

Benishangul Gumuz: 670,847 (0.9)

Gambella: 306,916 (0.4%)

Harar: 183,344 (0.2%)

Addis Ababa: 2,738,248 (3.7%)

Dire Dawa: 342,827 (0.5%)

Kuwa si gaar ah loo tiriyay: 96,570 (0.1%)

Aqalka Baarlamaanka Itobiya wuxuu ka kooban yahay (546 Kursi)

Oromia: 178 Kursi (33%)
Amhara: 138 Kursi (25%)
Tigray: 38 Kursi (7%)
Somali: 23 Kursi (4%)
SNNP: 123 Kursi (23%)
Afar: 8 Kursi (1%)
Benishangul Gumuz: 9 Kursi (2%)
Gambella: 3 Kursi (1%)
Harar: 1 Kursi (0%)
Addis Ababa: 23 Kursi (4%)
Dire Dawa: 2 Kursi (0%)

Waxaad fiirisaa buu yidhi qoraaga cadaaladda Itobiya iyo licbada Wayaanaha oo ah sidan;

Daweynaha Tigray waa : 4,314,456 (5.8%), hasa ahaatee waxay ku leeyihiin 38 Kursi (7%) Aqalka Baarlamaanka (waxaad barbar dhigtaa Somalida)

Dadweynaha Somalida waa : 4,439,147 (6.0%), waxay ku leeyihiin 23 Kursi (4%) Aqalka Baarlamaanka.

Dadweynaha Afar waa : 1,411,092 (1.9), laakiin waxay ku leeyihiin 8 kursi (1%) Aqalka Baarlamaanka ( waxaad barbar-dhigtaa Adis Ababa)

Dadweynaha Addis Ababa waa : 2,738,248 (3.7%), hasa ahaatee waxay ku leeyihiin 23 Kursi (4%) Aqalka Baarlamaanka (waxaad barbardhigtaa tiradan inta ay heleen Somalida iyo Cafarta oo la’isku daray). Faalada akhristayaasha ayaa waxaa ka mid ah in kuraasta Adis Ababa inta badan ay qaateen Tigreega.

Tirakoobkaa ayaa kuu muujinaya buu yidhi qoraaga Cadaaladda Itobiya iyo Ciyaarta ay dheelayaan Wayaanaha. Ma tahay Cadaalad sidaa oo ma haboontahay? Yaase ka masuul ah inay arinta sidaa noqoto? Yaana laga doonayaa inuu saxo? Waa su’aalaha uu soo dhex dhigay qoraaga akhristayaasha maqaalka.

Wuxuu intaa raaciyay qoraaga; Tirakoobkan wuxuu ina tusayaa in Oromada iyo Shucuubta Koonfureed (SNNP) iyo Amaxaarada ay yihiin aqlibiyadda Aqalka Baarlamaanka. Laalkiin buu yidhi qoraaga, waxqabadkooda waa Eber. Sidaa daraadeed, maxaa helay mudanayaasha iyo madaxda iyo jaaliyadaha Oromada, SNNP, iyo Amxaarada?

Xalka wuxuu ku jiraa buu yidhi qoraaga; in Itobiya lagu martiqaado Eretriyaanka oo laga codsado inay mushkiladan ka xaliyaan.

Maqaalkaa iyo faalooyinkii ay qoreen akhristayasha halka ka fiiri.

http://mereja.com/forum/viewtopic.php?f=2&t=41199

 ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay