Waxaa shir isugu yimid wax garadka Jaaliyadda Ogaadeeniya Ee Koonfur Afrika Shirka noocan ah ayaa muhiimad wayn u lahaa Jaaliyadda Ogaadeeniya iyo guud ahaanba Halganka Ogaadeeniya .

Shirkan khaaska ah ee kadhacay xarunta JOKA ayaa lagu qiimeeyay hawlaha Halganka ee wadanka Koonfur Afrika.

Gudoomiyaha JOKA Mudane Maxamed Daahir oo shirka gudoominayay ayaa kusoo dhaweeyay Fadiilatu Sh Cabdulahi Sheekh. Oo ka hadlay Fadliga uu Jihaadku leeyahay. Waxaana shirka lagu dhagaystay warbixin guud oo kusaabsan Gudihii Ogaadeeniya iyo xaalada Gumaysiga sidoo kalle Kacdoonka kadhanka ah TPLF.

Waxaa lafalanqeeyay aragtida Kawaadirta oo lagu cabiray mustaqbalka dhaw ee JOKA iyo sidii marxalada maanta Loo maarayn lahaa .

Sidoo kale waxaa shirka lagu dhisay gudi Odayaasha Jaaliyadda kuwaas oo qaban doona shaqooyinka Halgan ee Koonfur Afrika .

Ugu danbayntii waxaa shirkan kasoo baxay go,aamo wax ku ool ah oo wax weyn kusoo kordhin doona hawlaha jaaliyadda iyo halgankaba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay