Sidaan la socono Qaanuunka Dawliga ee dalalka xorta ah ay wada saxiixeen waxaa ka mid ah in Xuquuqda Leeyahay Qofka ka soo cararary dalkiisii hooyo arima la xidhiidha amnigiisa darteed. Waxaa dhaqan u ah Dawlada laga soo cararo inay ka daba timaado dadkii ka soo cararay ee dalka kale soo magan galay say u dhibaateyso ama ugu soo celiso xabsigeeda. Sidaa darteed ayuu caalamka u aqoonsaday in laga badbaadiyo qofka dalkiisa uga soo carara amnigiisa darteed ah oo Qaxooti ku ah dal kale.

1951kii ayuu Caalamka isku raacay Qaanuunka ka hadlaya arimaha Qaxootiga ee loo yaqaano ( Convention relating to the Status of Refugees Geneva, 28 July 1951), waxaana lagu qeexay qodobkiisa 1aad macnaha Qofka Qaxooti loo aqoonsan yahay oo ah Qofka uga soo cararay dalkiisii hooyo Cabsi la hubo in naftiisa loo gaysanayo taasoo ay sabab u tahay Jinsiga uu yahay, Diinta uu haysto, umadda uu yahay, Xubin uu ka yahay koox ama urur siyaasi ah oo la ugaadhsanayo.

Dawladaha Midowga Afrika ayaa dhankooda Qaanuun ay ku taageerayaan midka caalamiga ah ku heshiiyay kaasoo ay ballan ku qaadayaan inay badbaadiyaan qofka nabadgalyadiisa darteed uga soo carara dalkiisii hooyo.

Dawladaha ixtiraamaya xuquuqda aadanaha isagoo xeerinaya arimahaa ayuu ku dadaalaa inuu badbaadiyo dadka noocaa ah ee soo gala dalkooda. Waliba haddii dadkaa soo cararaya ay wadaagaan wada dhalasho umadnimo oo xag diin iyo af iyo dhaqanba ah, isla marahaantaa ay ka dhaxeyso taariikh midaysan oo iska caabin ah, sida umadda Somaliyeed meel kastoo ay ku dhaqan tahay waxaa laga filayaa inay badbaadiso dadka soo magan gala.

Arimahaa oo idil dawladda Jabuuti ee Cumar Geele uu madaxda ka yahay ma’aanay xeerinin, waxaadna moodaa inuu la mid noqday maamulada ka jira Somaliya ee Itobiya ay u yeedhiso siday u maamuli lahaayeen dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Somaliya. Waxaa nasiibdarra ah M/weyne Cumar Geele oo iska dhigi jiray inuu bud-dhige u noqonayo Qarankii Somaliyeed ee burburay uu ku mashquulo dhalinyaro kasoo carartay gumaysiga Itobiya isagoo ogsoon inay noloshooda khatar ku jirto hadii lagu celiyo goobtii ay kasoo carareen. Waxaa xusuus mudan in talaabadanoo kale ay horey ugu talaabsadeen maamulka Jabuuti oo boqolaal dhalinyara ah ay gacanta u galiyeen Itobiya oo ilaa hadda aan la ogayn qaarkood inay nool yihiin iyo inkale.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa bayaan saxafi ka soo saartay shalay talaabadan dambe ee dawladda Jabuuti ay qaaday oo sida bayaanka ururka ku cad ay dhalinyaro gaadhaya 30meeyo ugu wareejiyeen sirdoonka Itobiya oo ka qayb-qaadanayay qab-qabashada dhalinyaradaa.

Waxay JWXO sheegtay in talaabada ay qaaday Jabuuti ay sabab u tahay banaanbaxayada ay kaga soo horjeedaan jaaliyadaha S.Ogadenya dhibaatada loo gaysanayo ardayda Oromada ee Adis Ababa. Waxay kaloo cadeeyeen in dawladda Jabuuti ay si cad u taageeraan maamulka TPLF iyo xasuuqa uu ka wadaan Ogadenya iyo gobolada kalee Itobiya sida Oromiya.

Waxay JWXO cadeesay inay tahay markii 6xaad ee xukuumadda Jabuuti ay si qasab ah ugu dhiibeen sirdoonka Itobiya qaxooti Somalida Ogadenya, kuwaasoo intoodii badnayd la dilay.

Bayaankan Saxafi ee JWXO ay ka soo saartay talaabadan sharcidarada ah ee dawladda Jabuuti ay qaaday ayay ku sheegtay jabhadda in dawladda Jabuuti ay adeege uga noqotay Itobiya xasilooni darada ay ka wado Geeska Afrika, waxayna dhibaato ku hayaan shucuubta Ogadenya, Oromiya iyo Cafar.

Bayaanka JWXO.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay