Habeen hore oo ku beegnayd 22ka July 2011 ayay CWXO waxay weerar culus oo habeenimo mir ah ku qaadeen magaalo madaxda gobolka Jarareed ee Dhagbuur. Dagaalkaa oo saacado socday Sida uu sheegay wariyaha jiida hore ee gobolka jarar Weerarkan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa u fulay sidii loogu talagalay ayay wararka hordhaca ah ee soo gaadhaya wakaalada wararka ee ONA shegayaan in halkaa inta la hubo lagaga dhaawacay ciidanka Wayaanaha 9 askari.

Isla 23kii July ayuu mar kale waxaa uu dagaal ku dhex maray ciidamada Wayaanaha iyo kuwa xaq u dirirka ah ee CWXO inta u dhaxaysa Magaalocad iyo Cobole halkaasoo lagu helay ciidankii rabay inay dhaawacii habeen hore u qaadaan magaalada Jigjiga. Wararka ayaa sheegaya inuu dagaal culus halkaa ka dhacay oo ciidamadii Wayaanaha dib loogu soo celiyay magaalada Dhagaxbuur, waxaana dagaalkan dambe lagaga dilay 7 askari inta la arkay waxaana laga dhaawacay 9 kale.

Dagaaladan ayaa waxay qayb ka yihiin qorshaha bisha July ay dajiyeen hogaaminta CWXO.

ONA/Jarar

 
 

4 Comments

  1. Waa guul maanshaa, allah waxaan illaahay ugabar yayaa cwxo inuu ahaado midka la waafajiyo guusha iyo xonimada ogadeniya aamiiiiin aamiiiin aamiiiin

  2. wardheer says:

    guulaysta guulana haidinla jiroo waxa aan u hambalyaynayaa naftood huryaasha jwxo waxa aaleeyahay waan idin garab taaganahay

  3. WAA GUUL SOO HOYATAY MAASHA ALLAAH

  4. dhuure qorahay says:

    ilaahay baa ku mahadsan ilaahay haydin la jiro. waxan dhihi lahaa shacab waynaha reer ogadenia guushu way dhawdahay waa inaan sii laban laabnaa dadaaalka.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay