Waxaa 18.05.2014 kulan isugu yimid gudiga abaabulka ee jaaliyada Norway, kualanka oo lagu falanqeeyay natiijadii kasoo baxday kulankii ay yeesheen Maamulka jaaliyada iyo xubno gudiga abaabulka matalayay.

Gudiga abaabulka markii qodobadii horyaalay ay falanqeeyeen waxay si dhakhso ku qeybsadeen waajibaadyadii shaqo ee horyaalay,waxaana hawsha shaqo ee horyaalay loo kala qaaday 2 waji oo ah;

1- Kuwo la fuliyo 23 .05.2014 mudo ku kooban.
2- Kuwo markii kuwaas qabsoomaan shir kale lagu qaybsado shaqadooda.

Gudiga ayaa waajibaad kii shaqo si dhakhso ku qaybsadey, waxaa la isdhahafsadey aragtiyo wax ku ool ah, waxaana lagu balamay daacadnimo iyo shaqada oo loo fuliyo Sidii loo qorsheeyay.

Gudiga abaabulka oy ka muuqato yididiilo ayaa u arkayay in wax walba oo Daacad laga yahay, si maskax furana loo wajaho lagu guulaysanayo oo wax caqabad ah oon laga gudbi karin aanay jirin.

Maamulka iyo xubnaha jaaliyada Norway oo runtii ahaa Tusaale ay ku daydaan jaaliyadaha dibada,ayaa u muuqda in ay rabaan inay doorkaas buuxiyaan oo hormuud u noqdaan jaaliyadaha kale ee Ogaadeenya ama safka hore galaan.

Shirka ayaa Wuxuu kusoo idlaaday is afgarad iyo farxad, isagoo qofwalba hoosta ka leeyahay Hadii sidan wax kuwadno wax walba waan ku guuleysanaynaa insha Allah.

Hogaanka abaabulka.
Jaaliyadanorway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay