Ururka Dhalinta iyo Ardayda Ogadenia faraciisa Ilays ee ka hawl gala Kaakuma oo laba todobaad kahor doortay xoghaye cusub iyo gudi lashaqeeya ayaa waxay shaqadoodii ku bilaabeen siminaaro iyo wacyi galinta bulshawaynta Soomalida Ogadenia iyo tan Somaliyeedba.

Hadaba siminaar gaara oo xoghayaha cusub iyo hugaaminta JWXO ee deegaanku ay wadajir u bixinayeen ayaa u bilaabmay gudigan cusub iyo xubnaha faracan Ilays ee kaakuma. Siminaarka ayaa waxaa sigaara diirada loogu saaray taariikhda halganka iyo khayraadka dabeeciga ah ee Alle ku manaystay dalkan Ogaadenia sida xoolaha nool, dhulbeereedka iyo shidaalka iyo gaaska dabeeciga ah.

Sidoo kale waxaa si balaadhan loo soo bandhigay xuduudaha iyo qaab dhismeedka dhulka Ogadenia Joqoraafi ahaan.

Waxaa iyana aan meesha kamadhnayn barnaamijka siyaasiga eeJWXO iyo waliba in dhalinta loo tababaro hugaaminta kala duwan ee mustaqbalka.

Siminaarka oo ah mid faa’iidooyin badan laga dhaxlay ayaa wuxuu maanta abaare 2:30 pm kusoo gabagaboobay guul iyo jawi farxadle.

Kakuma/ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay