Mudo ay ka soo wareegtay Dhowr Maal mood dawlada Jabuuti waxay ku Talaabsatay Falal ka baxsan Banii aadanimada, islaanimada iyo Dhaqankii Soomaaliyeedba, Falkaasoo ah inay u gacan galisay Cadawga Umada Soomaaliyeed ee Ethiopaia Dhalinyaro Gabdho iyo Wiilal isugu jira oo ka xamaalan jiray Dalka Jabuuti. Mana aha Markii ugu Horaysay ee Jabuuti Falkan oo kale ay ku kacdo ee Sanadkii aan Soo dhaafnay waa kii ay Sirdoonka Ethiopia u qab-qabatay gacantana ka galisay Dhalinyaro kor u dhaafaysa 70 Nolol iyo Geeri mid ay kusugan yihiina aan laga warqabin maanta. Waxayna daliil u tahay Taasi Umadii Soomaaliyeed inay wada gun tahay Maanta oo Xataa dalkii Madaxa banaanaa ay Ethiopia Farta ugu Midaarto waxa ay kolba ka doonayso.

Hadaba aniga oo Arintaa ka uur gubyaysan ayaan Tixdan Gabayga ah oo Magaceedu yahay “Maxay Galabsadeen” Ku Cabiray Dareenkayga wuxuuna ku wajahan yahay oo uu ku socdaa Gabaygu Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

·         Ga’da maanso Geeraarka iyo, Gabay ma doonayne

·         Wuxuu gaystay ina Geelle yaa, Gubay jidhkaygiiye

·         Markaasaa inaan gabay Tirshaa, Gocotay laabtiiye

·         Oo aan Tixaha kula Garramo, kala gudboon hadale.

·         Ina Geellow godobtaad Gashayi, waa wax guda wayne

·         Hadaad tahay Nin ay gari gashaa, Gogosha ii kaalay

·         Aan gorfayno wixii aad Gashiyo, iimahaad Guratay’e.

·         Gurigaaga Gabdhihii ku jiray, een waxbaba gaysan

·         Garda duub maxaad ugu Xidhayood, Gaalka uga iibsan?

·         Guri guri maxaad ugu gashayo, Gabawar kaa keenay?

·         Inaad Gabanadaada iyo hablaha, gaalada u gayso

·         God madaw inaad ugu gurtoo, gawrac lagu jiido

·         Libintaad ka gaadhana ay tahay ay, Gobostii reer Xayle

·         Ma Gunimo ka wayn baad ogtahay, waa su’aal Gar’ehe?

·         Maxay Galabsadeen Gabdhahaad, Gaalada u dhiibtay?

·         Maxay Galabsadeen Wiilashaad, Gudub u raad gooyni?

·         Ma Gawaadhi bay kaa dhaceen, ood u daba Gooshi?

·         Mise Geesi-yaal bay dileen, Godobi waa wiishie?

·         Mise Gaalkii soo bara kacshaa, Gini ku soo siiyay?

·         Ood Guul darradan iyo u dhigi, Galalaf kaad qaaday?

·         Gunimadan maxaa kuugu wacan, waa Gar Xaajadu’e?

·         Abtirsiino miyay kuu Gashaa, Nimanka Gaa-gaaban?

·         Maxaad garab u siin ood u gali, Godobta aad qaaday?

·         Miyaadan dal Gaara iyo ahayn, Dawlad Gudanaysa

·         Sharcigaad Gudoon tidhi Markii, Golaha uu yaallay?

·         Dhaqan keenii Gaamuray maxaad, Geesta uga tuurtay?

·         Gulufkani muxuu yahay Geellow, waa Su’aal gar’ehe?.

·         Geeda wayne Aar iyo hadii, Geesi lagu mooday

·         Adigaa ka Gaabshayo is dhigay, Gagi abaareede

·         Adigaan waxay Gobi fasheen,Geesna uga baydhin.

·         Gurey iyo Darwiish baan hadeer, Erayo Gaadhsiine

·         Dadkii aad Guyaal iyo Guyaal, Libin u Goobayseen

·         Geelii badh waa kuu u dhalayo, Gaalkii laga qaadye

·         Gadhwadeense waxaa looga dhigay, Kuwo aan Gayine

·         Gacan-yare Tigree bay noqdeen, Gabi ahaantoode

·         Gacantuu u haadshaa midkuu, Galo Muraadkiise

·         Gu’yartii Axfaadiina yay, wada Gumaadaane

·         Guumaystahay u dhiibaan intay, Gini ka qaataane

·         Gablan weeye Soomaali oo, Geesi laga waaye

·         Garoowe iyo Hargaysay Tigree, Gaardiya hayaane

·         Guriceel kuwuu Gaystayoo, uu ka dhigay Gaadhe

·         Gobanimo u dirirkay rabaan, inay Gumaadaane.

·         Guduudane iyo Weer ima Cuneen, Gu’iyo Jiilaale

·         Gobaad baa dhalaysoo inbadan, Goojo ku Amaarte

·         Godka jiifa waxba yaan Awoow, idin Galiil yayne.

·         Waxba  Gabaygu yuu ila gudbine, waxaan ku soo gaabshay

·         Geellow Gafafka aad Gashiyo, Godobta aad reebtay

·         Waa waxaan go’aynino kollay, Guudka kaa sudhane

·         Aniguna Gantaal-kaa aan ridi,  wuu ku gubayaaye

·         Hayeeshee Adigaa Galabsadaye, kuma Garraaxeene

·         Garaad kaagu waxa uu ku faray, Gobi ma yeesheene

·         Iska guro waxaad Goosatayba Gayiga kuu yaalle.

Abwaan Abdihakim M. Ahmed

Shamsudiin55@hotmail.com

19-May-2014

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay