Qofka muslimka gaar ahaan wuxuu Ilaahay siiyay manhaj uu ku dhaqmo haduu doonayo liibaanta aakhiro iyo tan aduunyaba. Waxaa ka mid ah manhajkaa aayada uu Ilaahay ku farayo muslimiinta in aanay u iilan dhanka daalimka waxkastoo dhaca. Aayadan casiiska ah een maanta soo qaadanayno wuxuu Ilaahay ina farayaa sidan;

وَلَا تَرْكَنُوا إِلَى الَّذِينَ ظَلَمُوا فَتَمَسَّكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُمْ مِنْ دُونِ اللَّهِ مِنْ أَوْلِيَاءَ ثُمَّ لَا تُنْصَرُونَ  ..

Waa aayad macna weyn xambaarsan oo marnaba aanay ka fakanaynin kuwa la qaxweeya Cabdi iley ama kaga farxiyay inay ugu tagaan Jigjiga.

Macnaha aayadan waxaa si fiican oo casri ah u sharxay Sheekh Shacraawi Allaha u Naxariistee oo yidhi;

Ereyga –Rukuun- carabiga waxaa loo yaqaanaa U iilasho, Agjoog, Kalgacayl iyo Naxariis (والركون هو الميل والسكون والمودة والرحمة ) .. Hadaad qof daalim ah u iilato waxaad naftiisa galinaysaa buu yidhi sheekha in awoodiisa darteed aad ugu timid. Waxaa kaloo ay tahay buu yidhi macnaha –Rukuun- waxa afka carabiga lagu yidhaahdo –Mujaamala- oo ah inaad qofka kaftan amaanto, ood dadka u qurxiso ficilka uu smaynayo qofkan daalimka ah.

Wuxuu yidhi sheekha aafada aduunkan waxaa ka mid ah u iilashada daalimiinta, sababtoo ah waxay arintaa ku dhiirigalinaysaa inuu kusii xeel-dheeraado dulmigii uu waday. Waxaana ugu hooseeya buu yidhi u iilashada daalimka inaad ka celin weydo dulmiga uu ku samaynayo dadka kale, waxaana ugu sareeya inaad u qurxiso daalimkaa falka uu gaysanayo, oo dadka kalena aad u qurxiso dulmigiisa.

Hadaad u fiirsato buu yidhi sheekha dulmiga ka socda caalamka oo idil waxaad arki in aafada haysata mujtacaadka ay ka dhlato daalimka oo loo iisho, haddiise laga fogaado daalimka oo adiga iyo inta kula socota ay jaraan, wuxuu u malaynayaa in ka fogaanshahaagaa ay sabab u tahay adigoo ku kalsoon inaad haysato tiir adag (Waa Ilaahaye) taasoo naftiisa gelgilaysa oo fahamsiinaysa awooda tiirkaa aad u iilatay, waxayna hoos u dhigi taageeradii uu heli lahaa, taasoo laga yaabo inay ka celiso dulmiga uu falayo.

Daalimka oo loo iisho waxay qofka gaadhsiinaysaa inay taabato cadaabka Ilaahay kolba inta iilashadiisa ay gaadhsiisan tahay, sababtoo ah buu yidhi sheekha Ilaahay ayaa yidhi  :

{ وَ لاَتَرْكَنُوۤاْ إِلَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ فَتَمَسَّكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُمْ مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِنْ أَوْلِيَآءَ ثُمَّ لاَ تُنصَرُون. [هود: 113 . 

Halkan ka daawo:

www.youtube.com/watch?v=3MsDdFP8mBQ

 

FG: Waxaan isku dayi doonaa in aan kolba aayad idiin soo xulno iyo sharaxaada uu ka bixiyay Sheekh Shacraawi Alaaha u Naxariistee.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. kuligeenba says:

    Waxaan filayaa aayaddu gaalada ay ka hadlayso inay ku jiraan kuwan reer-Galbeedka ee madaxda ONLF ka qarafaysato . Marka waxaan odhan lahaa gaalba ha laga barii noqdo Islaamnimona Manhaj ha laga dhigto

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay