Wakaalada Wararka ONA ayaa soo aruurisay tacadiyadii 3 todobaad ee u danbeeyay ee Bisha April- May ka dhacay gudaha Ogadeniya, halkaas oo shacabka Ogadeniya gumeysigu sida caadada u ah waxyeelo isugu jira dil, xidhay, jidh dil iyo dhac hantiyeedba ugu geystay shacabka aan is difaaci karin.

20/5/14 Dig oo Awaare katirsan waxay ciidanka cadawgu kuxidheen ninka
lagu magacaabo Cabdi Cabdulahi Gurayare.

15/5/14 Kaalsoome oo Baabili katirsan waxay ciidanka wayaanuhu ku
xidheen ninka lagu magacaabo Xaadsane Cumar.

13/5/14 Garaslay oo Dhuxun katirsan waxay ciidanka gumaysigu kuxidheen 
1. Aadan sheekh cabdi
2 Shugri saxardiid c/kaahin.


13/5/14 Garaslay oo Dhuxun katirsan waxay ciidanka cadawgu ku dileen
Allaha unaxariistee qof uusan magiciisu wali nasoo gaadhin.

10/5/14 Caligode oo Iimaybari katirsan waxay ciidanka cadawgu dhac ugu
gaysteen ninka lagu magacaabo

Habane Raage oo ay 2 geel ah kadhaceen.

8/5/14 Fiidoole oo Iimaybari katirsan waxay ciidanka daalunka ah
kudhaceen ninka lagu magacaabo

Arbe xuseen Khaliif.

7/5/14 Boodhlay oo Gunogado katirsan waxay ciidamada nacabku jidhdil
ba’an ugu gaysteen ninka lagu magacaabo

Cabdi Axmad Kaafi.

7/5/14 Garawo oo Dhagaxbuur katirsan waxay ciidanka cadawgu
kuxidhxidheen dadka kalaah:


1 Shiine Cabaase Maxamad
2 maxamad axmad ibraahin
3 xassan cilmooge
4 axmad ow cabdulahi
5 qorane siyaad
6 c/casiis cabdulaahi
7 xiis maxamad jaamac
8 badri ow axmad
9 axmad suldaan cabdi yuusuf
10 dulmar cabdi yuusuf.

1/5/14 Calibiindhe oo Dagmada Gunogada katirsan waxay ciidanka bahalka
ah ee gumaysigu kudhaceen

Ina Makhtal Haybe oo 20,000 Bir (lacagta Ethiopianka) kadhaceen.

30/4/14 Shaygoosh waxay ciidanka wayaanuhu kuxidheen C/yare Cabdulahi Dheere.

ONA





 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay