Waxaa dabaqa labaad ee safaarda Ethiopia ee Talyaniga kutaala iska soo tuuray safiir ku xigeenkii safaaradaas Fisaha oo halkaas maydkiisii laga helay.
Dadka arrimaha Ethiopia u dhuun duleelaa ayaa dhacdadan ku tilmaamay in uusan isagu iskama soo tuurine inta la dilay laga soo turay.

Waxaa dadka shaki wayn sii galiyay in haba yaraatee mediaha Talyaaniga kan Ethiopiaba aan dhimashada safiir ku xigeenka aysan waxba ka sheegin.

Wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia ayaa wafti arrintaas baadha u soo dirtay wadanka Talyaaniga si ay si wada jir ah dawlada Talyaaniga ugu soo wada baadhaan.

Xaalada guud ee itoobiya ayaa baryahan dambe aad usii xumaanaysa waxaana ka dhex socota is khaarajin iyo gumaad saraakiisha iyo madaxda TPLF dhexdooda ah.Usbuucyadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii wadar shacab iyo saraakiil Tigree isugu jira loo laayey si jamac ah gobolka Tigreega,halka ay saraakiil badan u goosanayaan wadamada dariska ah oo uu ugu dambeeyey duuliyihii ugu caansanaa Ethiopia oo u baxsaday dalka Eratria.

Wixii arrintan ka soo kordha kala soco ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay