Magaalada Johannesburg ee xarunta ganacsiga wadanka koofur afrika ayay shir aad u heer sareeya isugu yimaadeen dumarka soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi K/Afrika.

Shirkan oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Ururka haweenka Ogaadeeniya iyo laanta arimaha bulshada ee Jaaliyadda JOKA oo is garabsanaya kana dhacay xaafada MAYFAIR ee magaalada Johannesburg ayaa waxaa goob joog ku ahaa marti sharaf JWXO ah,halka ay Gudoomiyaha Hogaanka Dhaqaalaha ee Jwxo Drs Cibaado Xirsi Mahad khadka is gaadhsiinta kaga soo qaybgashay Shirka,Waxayna madasha shirka kasoo jedisay warbixin dheer oo taabanaysay marxalada uu halganku marayo iyo doorka ay haweenka soomalaiyeed ku leeyihiin waxayna sheegtay inay dumarka soomaalida ogaadeeniya la kulmaan falal gabood fallo ah oon loo adkaysan karin ayna mudan yihiin in loo hiiliyo .

Sidoo kalle Abwaanada qaali ah ee Rooda Ibraahim Cabdi Gurey(Rodo Afjano) ayaa khadka telefoonka kala hadashay haweenka shirka isugu yimid waxayna sheegtay in haweenku yihiin lafdhabarta halganka isla markaana ay yihiin hawlkar hooyada soomaaliyedna ay tahay mida wada halganka.

Waxaa isna shirka qayb wayn ka ahaa N/hure Abwaan Khadar Colaad oo shucuurtii shirka isbadal kusameeyay markuu tiriyay gabay dhiiri galin ah.

Gabagabadii iyo gunaanadkii Hogaanka Arimaha Bulshada Mudane Yuusuf islaam ayaa u mahad celiyay kasoo qaybgalayaasha wuxuuna qeexay ulajeedadii looqabtay shirkan.

Shirarka ay wado JOKA ayaa mudooyinkan danbe ahaa kuwo aad u badan waxaana la fialaya in shirar kale ay dhicidoonaan maalmaha fooda inagu soo haya.

ONA
Gumaysidiid-K/Afrika

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay