Waxaa maanta Axad (25 May 2014) shir muhiim ah isugu yimid Xubnaha xarunta JOKA gaar ahaan Xubnaha magaalada Pretoria iyo nawaaxigeeda,waxaa shirka kasoo qayb galay Gudoomiyaha JWXO. Mudane Admiral Mohamed Omar Osman. Oo xubnaha uga waramay xaalada halganka JWXO iyo meesha uu marayo. Gudoomiyaha ayaa kawarbixiyay xaalada gumaysiga oo liidata wuxuuna sheegay in Gumaysigu maanta kujiro Xaalada jahawareersan.

Shirkan oo ka duwanaa shirarkii hore ayay xubnuhu muujiyeen dhiiranaan iyo taageero buuxda oo xamaasadaysan,iyagoo soo jeediyay talooyin wax ku ool ah.

Hogaanka Arimaha Abaabulka mudane Yuusuf Islam iyo kuxigeeenkiisa Halgame Cabdulahi oo shirkan suura galiyay qabashadiisa ayaa xubnaha uga mahad celiyay iyagoo sheegay in laanta abaabulka JOKA ay xubnaha u qaban doonto Siminaaro aqoontooda iyo wacyigooda kor loogu sii qaadayo.

Gudoomiyaha JOKA mudane Maxamed Daahir ayaa isaguna ka warbixiyay xaalada Jaaliyada iyo qorshaha cadawga ee ku aadan Jaaliyadda Koonfur Afrika (JOKA).

Abwaanka Da,da yar N/hure Khadar Colaad ayaa shirka ka tiriyay gabay cusub waxaadna gabaygaas oo maqal iyo muuqaal ah kala socon doontaan ONA saacadaha soo socda.



ONA
Gumaysidiid-K/Afrika

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay