Wararka naga soogaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe JWXO ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah oo ciidanka gumaysiga Itoobiya wax
yeelo wayn loogu gaystay dagaalan ayaa udhacay sidan.
16/5/14 Dhabo oo Dagmada Gunagado ee Gobolka Jarar katirsan weerar ay
hadhkoo cad CWXO kuqaadeen waxay ciidamada wayaanaha kaga dileen 2
askari halka dhaawacana aan lasoo xaqiijinin.
18/5/14 Xagarwayne oo Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay
katirsan dagaal aad u culus oo kudhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga
Itoobiya waxaa sacabada lagaga cabay dhamaan ciidankii gumaysiga ee
goobta kusugnaa waxaana lagu dilay inta lahubsaday 24 askari 20 kalana
waxaa kasoo gaadhay caawacyo kala duwan.
20/5/14 Waraaba’oodyada oo Dagmada Dhanaan katirsan dagaal kadhacay
waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 1 askari 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
20/5/14 Caado oo Danood katirsan dagaal kadhacay waxaa lagu dilay inta
lahubo 1 askari.
22/5/14 Laasoole oo Dagmada Shilaabo katirsan waxaa fooda isku daray 2
ciidan oo gumaysiga kawada tirsan waxayna iska dileen tiro ciidan ah
oo aan wali lafaahfaahinin.
22/5/14 Buundadaqoraxay oo 18 KM ujirta magaalada Qabridahare waxaa
kugadoomay gaadhi ay wateen ciidanka wayaanuhu oo lasheegay in ay
kabaxsanayeen dhabagal ay kusameeyeen CWXO waxaana kubaaba’ay
ciidankii saaraa gaadhiga.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay