Wararka naga soogadhaya xarunta Gobolka Shabeelle ee Goday ayaa sheegaya dhibaatooyin aad ulaxaad badan oo ay ciidamada dabar goynta shacabka Ogadenia kuhayaan guud ahaan Gobolka Shabeele gaar ahaan xarunta Gobolka ee Goday iyo nawaaxigeedi. Dhibaatooyinkan oo isugu jira Barakicin, Xidhay, Jidhdil iyo Boob baahsan. Dhibaatooyinkaas oo ONA soo aruurisay ayaa sidan u dhacay


15/5/14 waxay ciidamada gumaysigu falalkan aan kasoo sheekaynay kula kaceen Tuulada Qaylodhooreey oo Dagmada Goday katirsan. Ciidanka
wayaanaha ayaa dadkii tuulada ku amray in ay kaguuraan tuuladan isla markaana ay galaan magaalada Goday iyagoo kaxaystay dhamaan wixii ay
hanti nool iyo moodba hayeen waxayna amar kubixiyeen in ayna deegaankan mar kale ugu imaanin qof bini’aadam ah. 19/5/14 ayay ciidanka cadawgu kusoolaabteen deegaankii oo ay dadkii wali kusuganyihiin maadaama oo aysan jirin meel ay uga hayaamaan waxayna jidhdil iyo xidhay isugu dareen dadkii ay awalba hantidooda dhaceen dadkan dhibaatada loogaystay oo aad u badan waxaan magacyadooda helay.
1 ismaaciil bashiir
2 qase ubaxle
3 cabdi dhagaxle
4 maxamuud aadan
5 maxamad ow khaliif
6 kaad diiriye
7 dhagacade
warka ayaa intaas kudaraya in ciidanka wayaanaha ee kahowl gala Goday iyo nawaaxigeeda ay bartilmaameed sanayaan qabiilo gooni ah waxayna
dadka waydiinayaan qabiilkiisa iyagoo bartilmaameedkoodu uu hada yahay qabiilka lagu magacaabo ( cabdi kariim) oo ay miyi iyo magaalaba
kabaadi goobayaan.

GIBIR
Dhanka kale waxaa guud ahaan gobolka shabeele laga bilaabay arin aan kucusbayn indhaha iyo dhagaha shacabka soomaalida ogadenia oo hadba
gobol lagaga naxsado arintan oo kamid ah dhaqanka gumaystayaasha ayay dadku uyaqaanaan GIBIR. Boobkan ama baadan ayay ciidanka wayaanuhu
kusheegeen in gurikasta oo ladagikaro ama ladagan yahay laga qaado 30 birr  ama magaalo hakuyaalo ama baadiye hakuyaalee sidoo kale guryaha
ganacsiga sida Bakhaarada, Dukaamada, Makhaayadaha, Bacadlayaasha IWM waxaa laga qaadaya 2,000ET bir itoobiyaana.

Halka qofka bini’aadamka ah na laga qaadayo 20 Bir.

Degmada Dhanaan
Dhanka kale 19/5/14 Tuulada Malablay oo Dagmada Dhanaan ee isla Gobola Shabeele katirsan waxay ciidanka gumaysigu xidhay iyo jidhdil isugu
dareen dadka kala ah
1 nuur shaafi siyaad
2 sacdiya shaafi siyaad
3 cade axmad wali iyo hooyadii.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay