Waxaa xerada qoxootiga Ifo ee deegaanka Dhadhaab kadhacay shir balaadhan oo
ay isugu yimaadeen dalada culimada ree Ogadenia ee kudhaqan deegaankaasi,shirkan oo ahaa shirkii caadiga ahaa ee ay isugu iman jireen dalada culimadu wuxua doorkan lahaa muhiimad gaar ah
wuxuuna ahaa kulankii ugu ahmiyada badnaa ee ay isugu yimadaan
gudiyada dalada culimada ee kadhisan wadanka kenya intiisa badan.

Furitaan kadib waxaa si toos ah loo guda galay ajandayaashii shirka oo aad u badnaa ugu
horayna waxaa laga hadlay doorka ay culimadu ku leeyihiin guud ahaan
geedi socodka halganka ay umada soomaalida ogadenia doonayso in ay
iskaga xorayso gumaysiga madow ee mudada dheer dulsaaraa waxaana aad
loo lafa guray kaalinta afka iyo adinka ee ay kaqaateen culimadu
waxaana la isla qiray in ay culimadu kaalin mug leh kuleeyihiin waxayna
balan qaadeen in ay sii labanlaabi doonaan doorkooda.

Dhanka kale culimada ayaa kahadlay sidoo loo heli lahaa iskuxidh guud
oo heer aduun ah oo laysku xidho culimada S.ogadenia ee kudhaqan
shanta qaaradood ee aduunka waxayna soo hadal qaadeen baahida looqabo
dalad guud oo midaysa culimada ree Ogadenia.

Culimada ayaa baaq udiray bulshada ree Ogadenia ee kudhaqan
gudaha Ogadenia oo ay kudhiiri galiyeen in ay iska diidaan
dhaqamada doolka ah oo badalida hidahii iyo dhaqankii lagu yaqaanay ummadda Ogadenya.

Doodo aad udhaadheer iyo falan qayn kadib culimada ayaa isla gaadhay
qodobo dhowr ah oo ay sheegeen in si dhaqsa ah loo hirgaliyo waxaana
kamid ahaa qodobadii saxaafada loo fasaxay kuwan:

1- in si dagdag ah loo dhamaystiro dalada culimada ee heer aduun.
2- in laxoojiyo xidhiidhka madaxda jabhada iyo culimada si loofududeeyo waxbadan
3- in ay culimadu lasocoto cidkasta oo danbi kagasha shacabka dulman ee
ree Ogadenia kude iyo dibadba.
4- in laxoojiyo xidhiidhka Jaaliyadaha iyo culimada
5- in qiimayn joogta ah lagu sameeyo madaarista iyo goobaha ay ardayda
ree Ogadenia wax kubartaan lana kordhiyo
6- in laxoojiyo barashada diinta islaamka.

Ugudanbayntii culimada ayaa bayaankooda bogaadin iyo canbaarayn kusoo
gaba gabeeyay waxayna bogaadiyeen shacab waynaha ree Ogadenia iyo CWXO
oo kaalintoodii siwanaagsan uga soobaxay iskana caabiyay cadawgoodii.
Sidoo kale waxay canbaarayn dusha ugatuureen nimanka culimada isku
sheegaya ee cadawga amaanaya kolbana tuulo tagaya ee ay ilaalinayaa
ciidanka gumaysigu waxayna ugu baaqeen in ay Allaah
kabaqaan.


ONA Ifo

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay