Xiligii ugu horaysay  ee uu soo galo Gumaysika  dalka Somaliya waxay ahayd 1884  isaga oo kasoo galay dhinaca Waqooyiga Soomaliya ee manta loo yaqaan Soomali Land oo ah wadan sheektay inuu ka go’ay dalka intiisa kale laakiin aan cidina  ilaa iyo hada aqoonsan. Ilaa laga soo gaadhay 1960  oo ahayd xilikii ay Soomalidu  ka xoroobeen guumaysikii Ingiriiska oo Waqooyiga  haystay iyo Talyaanika oo Koonfur Somaliya  haystay Somalida waxay ku wada jireen gumaysi.

1904  ayay ciidamadii gumaysiku weerar ku qaadeen ciidamadii uu hogaaminayay  Sayid Maxamad Cabdulle Xasan  oo iyagu ahaa kuwa diidan kana soo horjeeday gumaystaha. Ciidankii isticmaarku uu isu keenay waxay kala kulmeen  ciidamadii daraawiishta  ee Sayidka dagaal aysan malaysanayn, waxaana ka raacay jab iyo baaba, ilaa ay muciin bideen adeegsiga diyaaradihii dagaalka. Taariikhduna waxay ahayd  1920  sida la xaqiijinayo. Diyaaradahaasi waxay duqeeyeen  xaruntii  daraawiishta  ee Taleex.

Hadaba waxaa muhiim ah inaan ogaano in xoriyadu tahay waxayaabaha ugu qaalisan bani aadanka, hadaadan xor u ahayn maskaxdaada, diintaada, dalkaada, xoolahaada, hadaadan intaas xor u ahayn  maxay tahay sharafta aad sheeganaysid.

Waxaan odhan karnaa nolosha gumaysiga waa noolal aad u hoosaysa  ay tahayna in laga dagaalamo.

Ilaahay aduunkan waxuu nakeenay inaga oo xor ah  waxuuna  inoo abuuray inaan isaga kaligii  u ahaano adoomo, laakiin bani aadan  hadaan u noqon adoomo, oo dhacdo in diintaada iyo  hadalkaada iyo maskaxdaadaba lagaa gumaysto, xaq waxaad uleedahay inaad ka dagaalantid ilaa aad ka helaysid xuquuqdii Ilaahay ku siiyay ee lagaa qaaday, taasina ma aha mid la isku khilaafsanyahay  oo dadyawga aduunka ku nool dhamaantood saas ayay aaminsanyihiin.

Hadaba waxaan jecelnahay inaan idiin soo gudbino waxa adiga iyo aniga laga doonayo oo ah inaan  ka dhiidhino gumaysiga.

Waa Walaalkiin Sheikh  Axmad Makaahiil oo ku nool Makkah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay