Shir lagu dhisyay guddiga jaaliyadda ee gobolka Gauteng ayaa wuxuu  dhacay  25/03/2011 2dii duhurnimo shirkaasoo uu soo qabanqaabiyay gidigii gobolka      Gauteng.
 
Waxaa shirgudoon ka ahaa oo daadihinayay gudoomiyii GB. mudane Maxamed  Dahir Colhaye oo si mugleh uga war bixiyay wax qabadkii faraca ee sandkii ina dhaafay. Wuxuu sidoo kale mudane Maxamed D. Colhaye uu war bixindheer ka jeediyay shirka ku saabsan heerka uu marayo halganka gobanimadoonka iyo xaaladaha wadankii ka jirta iyo tabaha  cusub ee gumaysiga. .waxaa kaloo uu gudomiyaha xusay abaaraha kajira wadanka Ogadenia iyo cunaqabataynta saran dalka taasoo uu ku tilmaamay inay tahay arin uu gumaysiga ula jeedo inuu kaga aargoosto shacabka.
 
 waxaa kaloo codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay N/hure  C/rashid Giileeye oo isagana war bixino  koob koban ka bixiyay jaaliyad iyo waxqabadkeeda iyo
guud ahan wadankii.
 
Waxaa warbixinadii ka dib  xilkii wareejiyay gudigii  jaaliyadaa horey u soo hogaminayay iyadoo mid waliba uu ka warbixiyay wax qabadkii haayadiisa ama  hogaankii uu wakiilka ka ahaa.
 
Intaa ka dib ayaa waxa laga doortay xubnaha shirkagudi farsamo oo soo xula  gudigii hogaamin lahaa faraca. Waxaa gudomiyaha  guddiga doorashada loo  doortay mudane Axmed Daahir Haruun iyo 4  xubnood  oo kale.  

 
Gudiga  farsamad ayaa waxy soo hordhigeen shirwaynihii 6dii xubnood  ee  noqon lahaa guddiga sanadka soo socda hogaminaya faraca Gauteng .. dood  dheer  kadib  ayaa waxa ladoortay  guddigii  hogaamin lahaa faraca gobolka Gauteng,
oo loo doortay xubnaha kala ah;

  1. halgame Mukhtaar  Cali Gurxan
  2. halgame C/rashiid  sheekh Cabdi
  3. halgame Axmed  Naasir (sinji) 
  4. halgame C/rashiid  giileeye   
  5. halgame Huud sheekh  badri
  6. halgame sheekh Faysal Cismaan

 shirka ayaa waxa hadlo kooban kasoo jeediyay  gudoomiyha cusub ee faraca  Gauteng mudane Mukhtaar Cali Gurxan. Sida  oo kale waxa shirka khudbado wacyi  galin ah kasoo jeediyay mudane  C/raxmaan Xeef Khaliif oo xubnaha  kula dardarmay in gudiga la doortay ay ula shaqeeyaan sida ugu firfircoon. Halgame Axmed Daahir Haarun  ayaa  isna  kula dardaarmay  gudiga la doortay iyo xubnaba  inay mujiyan wadashaqayn wanagsan iyo shaqada  kor loo sii qaado lana tayeeyo  lagana hortago tabah cusub ee gumaysiga uu adeegsanayao.

waxa sidoo kale khudbad gaaban ka jeediyay goobta mudane C/rashiid(goljano) oo xubnaha  ka codsady inay Ilahay u baryaan in xilka loo doorty uu Ilaahay ku asturo.
Shirkan oo bilowday abaarihii 2:00 duhirnimo  ayaa wuxuu dhamaaday  7.00  fiidnimo isagoo ku soo dhamaaday guul iyo waji  farxadeed.

 ONA/JOKA

 
 

1 Comment

  1. abdalla says:

    halgamayaashii shaqada soo wadey mudadii la soo dhaafay, alla ha idinka abaalmariyo hadana waad sii wadaan dabcan, halgamayaasha hada loo xil-saaray shaqada halganka idinkana alla ha idiin fududeeyo dadaadla guusha waa la gaadhey

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay