Waxaa dhamaan Bulshaweynta Soomaliyeed ee ku xidhnaa barnaamijka Ilays, loogu bishaareynayna in hawada uu dib u soo gali doono Ilaystv maalinta Arbacada ah ee bishu tahay 27ka JULY-2011 saacada Afrikada bari marka ay tahay 6:00PM ama saacada UK 4:00 Galabnimo. Waxaad ka daawan doontaan maalin kastoo Arbaca ah ERI-TV.

Barnaamijka Ilays oo lagu wado inuu noqdo ugu dambaynta TV madax banaan oo si joogta ah u baxa (24ka saac – 7da maalin) ayaa ahaa barnaamij lagu ifiyo xaqiiqda ka jirta Ogadeniya sida dhacdooyinka Gudaha Ogadeniya iyo wax-qabadka Jaaliyaadka Ogadeniya. Sidoo kale barnaamijka Ileys waxaa lagu soo bandhigi jiray arimaha Geeska Afrika.

Barnaamijka ilays oo si guul ah loo soo gabagabeeyay wajigii koowaad ayaa waxa la bilaabay hadda wajigiisii 2aad oo aad si joogta ah uga daawan doontaan Eri-TV maalin kastoo Arbaca ah saacada Afrikada bari marka ay tahay 6:00PM ama 12ka maqribnimo.

Waxaan ka cudur-daaranaynaa mudadii gaabnayd ee Ileys uu hawada ka maqnaa anagoo u mahad celinayna daawadayaasha Ilays ee sida joogtada ah noola soo xidhiidhi jiray mudadaa.
Waxaan Ilaahay ka rajeynayna in Wajiga labaad ee Barnaamijka Ilays uu noqon doono mid horumar leh oo aad ka daawan doontaan Barnaamijyo xiiso leh islamarkaasna aad kala kulmi doontaan isbadal weyn oo lagu sameyay barnaamijyada ka baxa Ilays.

Waxaa sidoo kale hawada internetka aad kala socon doontaan Barnaamijka Ilays khadka ineternetka ee
www.ilaystv.com

Tixgalin

Maamulka Ilays

ilaystv@gmail.com

 
 

8 Comments

  1. eman says:

    free ogadeniya my dad is from dhannan

  2. Ekhlas says:

    hi my name is ekhlas abdullahi am nine years old my dad is from dhannan

  3. wardheer says:

    waxa aan rabaa in aan ku waydiiyo qoraaga webka malaga badalay somalichanne barnaamijka walaal oo TV kale ayaa loo badalay fadlan iiga soo jawaab mahadsanid guul iyo gobanimo

  4. wiiljwxo says:

    waad mahadsantihiin, maa shaa allaah muddadii uu barnaamijka ilays hawada ka maqanaa waanu sugayney wax badan ayayna nala ahayd oo aad ayaanu tiigsannay, hadana aad ayaan ugu faraxsanahay inuu soo laabtay !
    guul insha allaah.

  5. ahamed says:

    in kastoona aheen qoraaga web ka hadan wardher haaaaaa waaa laga badalay wuxuna ka soogali tv ga eretariya sssaasss ula soco

  6. xuseen says:

    asc walallayaal waan idiin salaamay waxaan idiin weeydiiyey xagee ka soo galayaa barnaamijka ilays insha allah bari inaan fiirsadaan rabaa

  7. ahamed says:

    wslala wuxu ka soo galayaaa meesha aya ka soogalaan kanaalada carabeed ama arbaseed waana tv ga eretariya sida kuxusan kor

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay