Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 9/6/14 isugu yimid shirkoodii bilaha ahaa gudiga jaaliyada Perth, shirkaas oo ahaa kala warqaadasho hawlihii bishaa qabsoomay iyo waxaa qabsoomin.

Ugu horayn waxaa shirka furay gudoomiyaha jaaliyada halgame Asad Cabdulaahi oo ugu horeynba u mahad naqay xubnaha ka soo qayb galay kulana dardaarmay inay hawlaha halganka sii labanlaabaan.

Intaa waxaa wacdi diini iyo aayadaha quraanka soo jeediyay sheekh Axmed Dalmar oo aad ugu dheeraaday Ala ka cabsiga inaan badino dagaalka gumaysiga lagula jirana yahay waajib sababtoo ah wuxuu gumaysigani duulaan ku yahay diinteena oo aadan si xor u gudan karin, ciideena oo uu dooni inuu qaato dabadeed fasahaadiyo iyo dadkeena oo uu dooni inuu tirtiro sidaa daraadeed waa fardul cayn halgankani ee waa in la xoojiyaa. Waxaa kaloo uu ka hadlay arima badan oo halkan aanan ku soo koobi karin. Waxaa isagana goob joog ahaa oo warbixin kasoo jeediyay Gudoomiyaha ururka Dhalinyrada ee OYSU-Perth, mudane Ahiib Sheekh.

Intaa kadib waxaa Laguda galay ajandihii shirka oo mid mid looga dooday afgaradna ku dhamaaday. Waxaa war bixin waafiya Laga dhagaystay isuduwaha JWXO ee Paasifiga halgame Adan dakhare oo ka warbixiyay mudaharaadkii balaadhnaa ee jaaliyadaha S.Ogaadeeniya ee Pacific-ga iyo jaaliyada Oramada ay ku qabteen caasimada dalka Austaralia ee Canberra oo isuduwuhu ka qaybgalay sheegayna inuu guul ku soo dhamaaday fushayna ujeedadii laga lahaa.

Isku soo wada duuboo shirku wuxuu ku dhamaaday guul.
ONA
PERTH

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay