Shaki kuma jiro in dhibaato aad u xoogan loo gaystay shacabkeena oo waliba aan la heli doonin gabi ahaan taariikhdaa oo sugan, maadaama aynu nahay shacab odhaah isugu gudbiya xogta oo aanan qorin. Taasoo loo geeyay iyadoo gacan-ku-dhiiglayaasha shacabka gumaaday oo weli dambiyadii faraha kula jira ay dadaal badan galiyeen sidaan loo ogaanin falal dambiyeedkooda. Gaar ahaa intuu kasoo baxay dalka mudane Cabdulaahi Xuseeen waxay xooga saareen in uusan wax –Record-ah ka hadhin ama laga duubin Jeel Ogaadeen siiba. Wararka dhabta ah waxay sheegayaan in askarta gudaha jeelka ka shaqaysa iyo qof kasta oo galaya loo baadhi si qaawin ah, oo laga reebo wax kasta oo qalab ama isgaadhsiin ah.

Taasoo jirta ayay hadana dadka Ilaahay uu kasoo daayo ee kasoo baxa markay ka sheekeynayaan waxa ka dhaca halkaa ay adagtahay in aad rumaysato. Cadaawadda intaa gaadhay inuu qof ku sameeyo eheladiisa oo uu wada garanayo, waliba uu ogsoon yahay in aanay falin dambiga laleeyahay waa loo soo xidhay, waa xaalad u baahan in daraasad lagu sameeyo, si loo fahmo caqliyadda Cabdi Iley iyo ragga ku xeeran ee dambiyadaa la fulinaya. Habka ay uga dhaadhiciyeen Tigreega inay dadkooda sidaa ula dagaalamaan oo siyaabahaa naxariis darada ah ay u gumaadaan dadweyne ay wada garanayaan oo ina hebel iyo ina hebe ah ayaa ah arinta sida aadka ah loola yaaban yahay. Waa dhab inay Tigreega iyo maamulkuu dhisay Dhiigyacabkii Meles aad ugu faraxsan yihiin ugana raali yihiin falalka ka dhacaya Jeel Ogaadeen iyo guud ahaan Ogadenya, sababtoo ah waxay noo arkaan in aan nahay dad isku taagay oo diiday inay u hogaansamaan adoonsigooda ama xukunkooda kolba midkaad doonto, sidaa darteed ay u banaan tahay inay laayaan oo xakamaha ku qabtaan. Hadaba maxaa ka fiican inuu qof walaalkood ah kuusoo qabto, oo xakamaha kuu galiyo. Sow adoomada la leeyahay markay gadoodaan master-kooda ama ninka iska leh uma diri jirin inuu usoo qabto adoon kale oo uu yarehe dhaqaaleeyo? Cabdi iley iyo kooxda la socota waxay la mid yihiin un kuwaa uu master-ka udiray inay usoo xero galiyaan shacabkeena oy u haystaan inay yihiin adoomadooda.

Waxaan halkan hoose idiinku soo lifaaqayaa warbixin ay noosoo direen dadkii kasoo baxay JO qaar ka mid ah.

Warqadda 1aad Riix:

Xogwaran Maxbuus kasoo baxay JO (2)

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay