Jaaliyada Ogadeniya ee London oo ka qeyb qaadatay sida looga hortagi lahaa loona ciqaabi lahaa wadamada haweenka u geysta dhibaatada kufsiga iyo waxyeelada kale isugujira.
Jaaliyada Ogadeniya oo ah jaaliyada Kaliya ee loo oggoladay in shirkan ay ka qeyb galaan kuna soo bandhigaan mudaharaad guriga weyn ee ExCel ayaa loogu baaqaya dhamaan Somalida inay kasoo qeyb galaan banaanbaxan looga soo horjeedo Kufsiga loo geysanayo haweenka Somaliyeed.
Ciidamada Ethiopiaannka ayaa haweenka somalida Ogadeniya u geysta kufsi, sidoo kale waxaa Ciidamada Amisom ee ka howlgala wadanka somalia marar badan ay kula kaceen haweenka somliyeed kufsi kuwaas oo dhamaantood cadaalada lamarinin sidaasna kusii wada kufsiga ay u geysanayaan haweenka somaliyeed ee aan isdifaaci karin. d
dhamaan Somalida ku nool wadanka UK iyo dhamaan shucuubta ku hoos dulman gumeysiga Ethiopia waxaa loogu baaqaya inay kasoo qeyb galaan banaanbaxan weyn.
Jaaliyada Ogadeniya ee magaalada London ayaa maalmahanba dhaq dhaqaaq ka wada xarunta ExCel midkaas oo codka haweenka Somaliyeed lagu gaadhsiinayo aduun weynaha sidii wax loogu qaban lahaa haweenka.
Fadlan kasoo qeyb gala banaanbaxan weyn. Codka walaashaada, Hooyada ama gabadhaada oo kale ah ee lagu dhibaateynayo dhulkaagii hooyo gaadhsii beesha caalamka.
Waxii faha faahin ah kala xidhiidh sawirka kore telefanada ku qoran.
ONA
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay