Waxaa dhaaman dumarka Somalida Ogaadeenya lagu wargalinayaa ineey kasoo qaybgalaan shirweynaha Haweenka Somalida Ogaadeenya oo lagu dhisi doono Ururka Haweenka Somalida Ogaadeenya heer aduun waxaana shirkaas lagu qaban doonaa haduu eebuhu yiraahdo caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen dhamaadka sanadka aan kujirro.

Sida ka muuqata xayaysiinta hoos kuxusan ood kaheli kartaan faah faahinta wakhtiga iyo goobtuu shirwaynuhu kadhici doono taasoo noqonaysa markii oogu horaysay taariikhda intuu socday Halganka Somalida Ogadenya oo shirweyna noocan oo kale ah ay iskugu yimaadaan Hooyooyinka Somalida Ogadenya ee kunool dunida dacaladeeda. Waxaa xusid mudan in wadanka Denmark lagu mideeyay sanadkii 2010 shirwaynihii lagu yagleelay ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadenya ee marka lasoo gaabiyo layidhaahdo OYSU. Hadaba yaan lamooogaanin kaqaybgalka shirwaynahan taariikhiga ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay