Seattle, WA: Ururka dhalinyarada iyo ardeyda Ogadenia (OYSU) faraciisa magaalada Seattle ayaa maalintii Khamiista ee bisha June 12, 2014 ka qayb-qaatay munaasabad lagu qabtay dugsiga dhexe ee Sylvester. Munaasabaddan oo ay mas’uuliyiinta dugsigu ugu magac dareen “Ogaden Fun Run” ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu baro ardeyda dhulka Soomaalida Ogadenia, siiba xaalada ba’an ee ka taagan iyo tacadiyada ay dawlada Ethiopia ku heyso shacabka Ogadenia.

Maamulka dugsiga ayaa muddo laba saacadood ah gabi ahaanba joojiyey fasaladii iyada oo in ka badan 600 oo ardey la isugu keenay goob weyn halkaas oo lagu daawad siiyey muuqaalo ay soo diyaariyeen ururka OYSU Seattle. Muuqaaladaa ayaa isugu jiray kuwa ka turjumayey jidhdil, dhac iyo kufsi loo geystay shacabka Ogadenia taasoo murugo weyn ku abuurtay ardeydii.

Intaa kadib ayey ardeydu socdaal dheer oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dhibaatooyinka heysta shacabka reer Ogadenia.

Gaba-gabadii ayey macalimiintii iyo ardeydii schoolka Sylvester ballan qaadeen iney meel walba gaadhsiin doonaan dhibaatooyinka shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia.

Waxaa mahad balaadhan leh ururka OYSU Seattle iyo maamulka schoolka Sylvester oo iyagu suurta galiyey munaasabadan.

Abdirahman Hollywood
Seattle, WA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay