Sida aad la soctotaan waxaa dhawaan laxusay sanad guuradii 23aad ee kasoo wareegtay wakhtigii aay EPRDF wadanka qabsatay taas oo sanad walba 20ka bisha Ginbood laga xuso wadankan Ethiopia hadaba degaanka Soomalida ayaa isagu si adag ooy cabsi ku jirto u xusa sanad walba kana duwan deegaanada kale  inkasta oo sanadkan Addis ababa lafteeda laga xusay. Deeganada kale majiraan dad khasab lagu soo saaro mana jiraan dad la yidhaahdo khasab ku sacabeya, majiraan meherado iyo wadooyin aan lafuri karin ama aan lamari karin, mana jiraan dad la yidhaahdo khasab ku heesa ama ku dhaanteeya. Sidoo kale majirto dhibaato badan oo xuska kahor sii gaadha dadka shacabka iyo sidoo kale dhibaato  iyo go’doomin sii jirta xuska kadib marka uu dhamaado.

Hadaba su’aashu waxaa weeye hada oy mudo kasoo wareegtay xuskii maxaa wali sii jira maxaase kahor jiray? Iyana waa maxay dhibaatada ilaa hada gaarka u ah shacabka kunool degaanka gaar ahaan magaalada jigjiga? Laga soo bilaabo 12kii bishan loo yaqaano ginbood 2006  EC (taariikhda itobiya), wakhtigaas oo la bilaabay in loo diyaar garoobo xuska 20ka ginbood waxaa gaadiidka bajaajta iyo baaburta kaleba laga joojiyey wadooyinka qaarkood, waxaa kaloo jiray baadhitaan badan kaas oo bilaawda 40ka galabnimo ilaa maanta oo laga soo wareegay xuskii 12 cishana wali socda waxaa kale oo layaableh in aay wali jiraan wadooyin badan iyo xaafado weli go’doon sidii u ah oon lagali karin, wadooyin ood ay dul sarantahay ama dhagax lagu wareejiyey oon ilaa hada gaadhiid mari karin. Waxaa kamid ah;

1.wadada weeyn ee muhiimka ah ee tagta ama ubaxda  qumaadaha soona hormarta xafiiska komishinka booliska ilaa albaabka kililka laga gaadhayo.

2. wadada kale ee muhiimka ah ee tagta macadka mareynta ee isla kililka hormarta.

3. wadada kale ee adhababayka melez zenawe ee katimaada Ethiopian redcross taas oo go’doon kadhigtay dadka kunool qodobaha 06 iyo agaraarkaas xafadha kunool guud ahaan.

4. wadada kale ee iyadadu sida joogtada ah u xidhan ee hormarta guriga mudada dheer u kireysan cabdi iley ee ah meesha uu intabadan ku qayilo gurigaas oo kuyaala xafada 06 kuna arkidoontaan meesha laga xidhay sawir ahaan.

5. wadada kale ee hormarta xafiiska maamulka xaafada 06 lixaad oo jaar la ah gurigaas uu cabdi iley fadhiisto.

Hadaba kasakow dadka shacabka ah iyo gaadiidka waxaay arintan wadooyinkani sigooni ah usaameysay dadka kunool xafada lixaad 06 gaar ahaan dadka dagan qodobaha xaafada lixaad 06 kuwaas oon iyagu marka lagaadho 11ka ilaa 12 wakhtiga jigjiga aan soona bixi karin waxana doonan karin oon soo adeegan karin. Tusaale ahaan qof dumar ah oo la yidhaahdo UMO-BEYT oo halkaas dagan ooy fooli qabatay habeen dhaweyd waxay liyuu booliska kililka gaar ahaan guriga cabdi iley kuwa ilaaliyaa aay u diideen in dhakhtar lageeyo kadib markii aay udiideen inay qoftaasi  iyo dadkii waday in aay kaba soo baxaan guriga soona hormaraan wadadaas. Arintaa oo markii danbe kaliftay in aay qoftaasi ku umusho gurigeeda kadibna ay u dhiman gaadho dhiig bax (bleeding). Waxaa midan kasii daran dadka ay iyaga joogatada u tahay arintani gaar ahaan dadka dagan agagaarka wadada hormarta  ama kala dhex marta melze hospital iyo xaafiiska cusub ee jidadka iyo sidoo kale wadada dhabarka kamarta macadka mareynta halkaas ooy kala daganyihiin Cabdiraxmaan labagole iyo Cabdi Aadan waris nimankan oo iyaguna xidha wadooyinka marka ay gaadho 11ka ilaa 12ka taas oo kalifta in ayna dadka halkaas dagani soona bixi krin soona gali karin guryahooda. Waxaa taas kasii daran dadka dagan agagaarka dhismaha ESTV oy iyaga in ay xaafadahooda tagaan ay wakhti dheer ku qaadato meesha ay kasoo wareegayaan, taasoo ayba dad badani guryahoodii uga qaxeen oyba hada go’doon kayihiin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay