Wixii xoog lagu qaato xoogbaa lagusoo ceshadaa

ILAAHAY  waxuu u jideeyay jihaadka in la iska difaaco dulmika lana difaaco xaqa sidaas daraadeed ayuu Nabigeena SWC  waxuu  noo sheegay in qofkii loogu yimaado naftiisa ama xoolihiisa ama ehelkiisa inay tahay inuu iska difaaco. Hadaba  umadu waa inay ogaadaan inay difaacayaan diintooda dalkooda  ehelkooda iyo duunyadooda. Intaas makala hadhi karaan, maxaa yeelay aduunyada aan dhaqano dhul la aantiis ma dhaqan karno, dadkuna dhul la aantiis manoolaan karaan, diintuna waxay ubaahantahay dadkii ku dhaqmi lahaa ee ilaahay kucaabudi lahaa taasina dhul la aantiis masuuroobaysaa? Hadaba waxay inoo cadaynaysaa  inaan kasaarno oo aan ka xorayno dhulkeena gumaysiga itobiya umbay inoogu suurta gali dhamaan arimahaas aan soo xusnay. Hadaan u kici wayno xoraynta dhulkeena waxaad ogaataan wax kuu dhawran inuusan jirin maxaayeelay xorba matihid, qof adoon u ah qof kalena cibaado badan ayaan ka suuroobaynin. Hadaan xilkaas iyo waajibaadka inaga saaran dalka iyo dadka kunool u istaagi wayno dhamaanteen waxaan noqonaynaa ummad danbaabtay oo mustadcafiin ah.

 إِنَّ الَّذِينَ تَوَفَّاهُمُ الْمَلائِكَةُ ظَالِمِي أَنفُسِهِمْ قَالُوا فِيمَ كُنتُمْ قَالُوا كُنَّا مُسْتَضْعَفِينَ فِي الأَرْضِ قَالُوا أَلَمْ تَكُنْ أَرْضُ اللَّهِ وَاسِعَةً فَتُهَاجِرُوا فِيهَا فَأُوْلَئِكَ مَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ وَسَاءَتْ مَصِيرًا)[النساء:97].

Dalka iyo diinta gorgortan magali karaan

Umada soomaaliyeed  ee kuhoosnool gumaysika itooboya waxaan leeyahay umidooba cadawgiina, xanuujiya oo xabaashiisu habadato, xabad kala daala oo haunixina, xaqbaad ku taagantihiin, xeradiiniibaa la idinku soogalay inaad xorowdaan oo aad xaq yeelataan Xabashi iyo ihaadhigna aad xuduuda dhaafisaan waa idiin xalaal. Hadaad yeeli waydaan xabsi xabashi xanuunkii waataqaanaan. Waxaa in laisku baraarujiyo mudan inay jiraan kuwa jecel inay u adeegaan gumaysiga itoobiya. Diin ahaan iyo caqliga saliimka ahba markaan la kaashano, kuwaaa iyo gumaysika itoobiya waa isku xukun maxaa yeelay qofka ka safta muslimiinta ee lasafta cadawga  muslimiinta waacadow, waxuuna laxukun noqonayaa kuwa lala dagaalamayo.

Haday ka soo laaban waayaan oo ay katoobad keeni waayaan garabsiinta gumaysiga itoobiya ka xoreeya dalkiina gumaysiga iyo inta u adeegta.

 ومن يتولهم منكم فإنه منهم

Ka xoreeya dalkiina Gumaysiga iyo inta u adeegta

ASBAABAHA uu adeegsado  gumaysiga  waxaa kamid ah inuu kadhax abuuro dadka uu gumaysto koox u adeegta  danahiisa kana hortagta cid kasta oo ka dhiidhida ama diida  in la gumaysto meela looga dhaco sharafta uu ilaahay siiyay qofka waa kuwa maanta loo yaqaan  daba dhilif  ama macaan jecel ama  daba qoodhi iyo magacyo kale oo ay ku caanbaxeen kooxaha u adeega cadawa  muslimiinta lagu tuntay sharaftooda lagana dhigay kuwo  la dulaystay, waxay duunyo lahaayeena laga dhacay dadkoodana hortooda lagu laayo sababta loo laynayana aytahay  maxaad uga hor imaateen gumaysiga ugana hadasheen xaqa aad uleedihiin inaad ku noolaataan noolal xalaal ah. Qaabkaas waa qaabkii uu ula dhaqmi jiray Fircown reer bani israaiil. Wuxuu ilaahay noogu sheegay kitaabkiisa munazalka ah inuu Fircoon bahdilay umadii la odhanjiray banii israaiil oo ah kuwa maanta kulaynaya ummada muslimka ah Falastiin maxaad uga hadlaysaan xaqiina. Waxaan odhan karnaa waa fircoonka maanta gumaysiga iyo kuwa u adeega ay tahayna inaan iska dulqaadno heeryada gumaysika, cidhibta danbe  iyo guusha waxaa  iska leh kuwa udagaalama xaqooda kaana hortaka dulmiga iyo is adoonsiga.

علماء الدين: الإسلام يدعو إلى حب الأوطان وحماية الممتلكات

Qofkii dhulkiisa la haysto cawro uma dhowrno

Soomaalidu  waxay dhahdaa  nimaad taqaan yaatahay lama yidhaahdo. Dadka ku wardinaya itoobiya waxaan nahay walaalo waa inay ilaahay usoo laabtaan kana toobad keenaan sumcadoodana ka ilaaliyaan waxii u keenayaa  xumaan iyo taariikh xumo maxaa yeelay itoobiya waa itoobiya dal iyo dad soomaaliyeed ayay guumaysataa, itoobiya waa tan ay soomaliya kadagi laadahay, itoobiya waxay ku hamminaysaa inay lawareegto dhamaan dalka Soomalida. Hadaba  qof utaagaan dhibkaada iyo boqno goyntaada miyaa kula dhashay ama walaal kuu noqon kara. Guumaysi waxaa karoon geeri aad gurigaada ku difaacaysid, geeri ay gobanimo kadanbayso. Qofka kuraali noqda inuu ku hoos noolaado gumaysi waa qof doortay inuu ku noolaado dullinimo. Gabagabada hadal kayka waxaan  leeyahay ummada hakala garto cadawgeeda  iyo  saaxiibkeeda.

Halgan la’aantii xoriyad mala helaa

Xoriyadu waxay ubaahantahay inaan uhurno shay kasta oo qaali ah. Waa inuu u daataa dhiigeena  ee ogaada dhayal laguma helo  xoriyad  ee waxay u baahatahay inaan udhaban adaygno. Xoolo cadaw dhacay waxay ubaahanyihiin dhicin. Taariikhda aynu akhrino.  Majiraa wadan  lagumaystay ee bilaash lagu siiyay xaqii iyo xuquuqdii uu lahaan jiray ee laga xoogay ?  Hadaynaan soo dhacsanin  xuquuqdeena inagoo ilaahay ka baryayna inuu  nooga hiiliyo cadawgan  aan aqoonin xaqa bani aadamiga iyo xurmada bani aadamka yaad  ka sugaysaan inuu  idiin xoreeyo dalkiina iyo dadkiina iyo duunyadiina iyo diintiina ?  Hadaynu eegno diinteena islaamka waxay inagu waajibinaysaa hadii cadawga muslimiinta ay qabsadaan wadankooda inay waajib ku tahay inay ladagaalaan cadawaas kana difaacaan dalka iyo dadka  iyo diintooda , waana  masalo ay isku waafaqsanyihiin dhamaan culimada islaamka. Culimada islaamkuna waxay kumagacaabaan jihaadkaa in uu yahay mid fardu cayni ah oo laga doonayo dhamaan mujtamacaas inay ka qayb qaataan difaaca dalka muslimka.

ٍSheekh Axmad Makaahiil

Culumada Xaramka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay