Waxaa todobaadkan dhexdiisa  ka qaybgalay shir ka dhacay Caasimada Wadanka Denmark ee Copehagen oo ku saabsan sidii arimaha Somaliya xal loogu heli lahaa xubno matalaya Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO.

Shirkan waxaa ka hadlay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Kaaliyaha Arimaha Geeska Africa ee Wasiirka Arimaha Dibada ee Wadanka Maraykanka Michael Fooks ahna lataliyaha arrimaha Somaliya  ee madaxwayanaha Marykanaka  Barack Obama, Safiirka Maraykanka u fadhiya wadanka Denmark Rufus Gifford, iyo Suxufi u dhashay wadanka Denmark oo lagu magacaabo Knud Vilby, kasoo kuxeel dheer waxna ka qoray deeqda caalamiga ah ee lasiiyo  wadanka Somaaliya.

Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu falanqeeyo xaalada guud ee Geeska Africa, gaar ahaan xaalada wadanka Somaliya, sida colaada ka aloosan dalkaa, Budhcad -Badeeda, Samafalka, Siyaasada iyo barnaamijka horumarinta. Kulankan oo si rasmi ah loogu martiqaaday Jabhada ONLF ayaa waxaa ooga qaybgalay xubno sare  oo uu hogaaminayo ku-xigeenka Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururka (HAAU), ahna Masuulka Arimaha Itoobiya uqaabilsan Jabhada ONLF Mudane Xasan Macalin, iyo xubno kaloo kamid ah Jaaliyada Somalida Ogadenya ee wadanka Denmark.

Warbixino aad xasaasi u ah oo la’is dhaafsaday kadib waxaa madasha shirka kasoo jeediyay warbixin culus oy soo bandhigeen wafdigii Jabhada ONLF kasocday, taasoo wax ka badashay ajendihii guud ee kulankan xaasaasiga ah. Warbixintan ayuu Mudane Xasan Macalin, kusoo bandhigay xaalada dhabta ah ee kajirta Ogadenya, iyo saamaynta tooska ah ay ku leedahay guud ahaan shucuubta ku dhaqan Geeska Africa, gaar ahaan wadanka Somaliya oy dagaalo sokeeye ku habsadeen 25kii sano ee lasoo dhaafay.

Warbixinta Waftiga ONLF ay lawadaageen kaqaybgaleyaashii kulankan ayaa qaadatay caalsaaraha guud ahaan ajendihii loosoo agaasimay shirkan. Waxaa aad usoo jiitay masuuliinta madasha joogtay warbixinta Jabhda ONLF, inkastoo ay la socdaan qadiyadda Ogadenya, hadan siday sheegeen waxay ku noqotay mid ugub ah oyna dhagahoodu waligood maqlin inay maanta kajirto dunidan aan ku noolahay shacab dhibka intaas le,eg u haysto oo beesha caalamku aanay la soconin, gaar ahaan sida wadamada deeqda bixiya aysan waligood mudnaan u siinin gumaadka iyo dhibaatooyinka banii,aadamnimada ka dhanka ah ee Gumaysiga Itoobiya uu ku hayo Shacabka Somalida Ogadenya.

Wafdigii kasocday wadanka Maraykanka ayaa kunuux nuuxsaday sida ay uga xunyihiin tacadiyada iyo gumaad wadareedka kasocda wadanka Ogadenya. Mr. Fooks ayaa balan ku qaaday inuu warbixinta Jabhada ONLF gaadhsiin doono madaxda wadanka Maraykanka gaar ahaa Madaxwayne Obama iyo Xoghayhaha Arimaha Dibadabada John Kerry.  Waxaa kaloo Mr. Fooks uu ku tilmaamay dhibaatada kasocota Ogadenya mid nasiib darro ah taasoo ay beesha caalamka waajib ku tahay in ay kaalin wayn ka gaystaan sidii gacan looga gaysan lahaa ka hortaga iyo joojinta gumaadka baahsan ee Ogadenya kasocda.

Waxay wafdigii matalayay Jabhada ONLF u gudbiyeen wafdigii Marykanaka kasocday warbixin kusabsan xaalaga guud ee Ogdeniya ilaa maalintii u Gumaysiga Ingiriisku ku wareejiyay Ogadeniya gumaysiga Ethiopia iyo maanta waxa ka jira iyo heerarkii kala duwanaa ee wadanku soomaray.

Waxaa xusid mudan in Jabhada ONLF ku talaabsatay isbadal xawli sare ku kacaya oo kusaabsan xidhiidhka diblomaasiyada caalamiga ah ee Jabhada u dajisan iyo xidhiidhka ay la sameeyeen beesha caalamka sanadihii lasoo dhaafay.  Waxaa kaloo xusid mudan in ay Jabhada ONLF ku leedahay dunida dacaladeeda Jaaliyado aad u tayaysan ooy hogaanka u hayaan masuuliin iyo hawl-wadeeno aqoon fiican leh, kuwaasoo dhidibada u aasay hirgalinta iyo kamidho dhalinta qorsheyaasha Jabhada u dajisan.

Sidoo kale Jabhaha ONLF ayaa sanadkan aan kujiro qabatay shirar iyo siminaaro si heersare ah loosoo agaasimay, taasoo looga gollahaa kobcinta iyo horumarinta garaadka iyo wacyiga kaadirka iyo hawl-wadeenada kala duwan ee Jabhada. Mudaharaadyo iyo abaabul isdaba jooga ah oo kadhacay jaamacado badan oo aduunka kuyaala oo u uruka OYSU soo bandhigay ayaa kamid ahaa isbadaladan balaadhan ee Jabhadu kutalaabsatay taasoo Gumaysiga Itoobiya kunoqotay laf dhuun gashay.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Haleema says:

    Good effort MashAllah, keep going on and InshaAllah liberation from Ethiopia regime with their followers is soon.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay