Dhaq-dhqaaqa Xoreynta Sidamo (Sidama Liberation Movement) iyo isbahaysiga mucaaradka ah ee Medrek (Coalition of Opposition Parties in which SLM is a part of) ayaa caasimadda Sidama ee Hawassa ku dhigay banaabax baladhan oo ka soo horjeeda xisbiga Wayanaaha ee TPLF, inkastoo sida ay soo wariyeen saxafiyiinta ku sugan halkaa dadweynaha la saaray todobaadyadii ka horeeyay banaabaxa argagixin xoogan oo booliska magaalada iyo sirdoonka Itobiya iyo ninka wakiilka uga ah Wayaanaha gobolka Sidaama ay sika kaashanayeen si loo cabsi galiyo dadweynaha oo aanu u qabsoomin banaabaxa ay dadweynaha dhegeen 14kii bishan June.

Sida ay ku warantay shabakadda Ayyaantuu oon kasoo xiganay warkan, waxay ku dhaqaaqeen sirdoonka Itobiya iyo booliska u adeega inay cadaadin xoogan saaraan dadka shacabka ah oo gaadhay heer ay guryaha ugu tagaan dadka shacabka ah oy digniino ku siiyaan in aanay ka qaybgalin Banaanbaxa. Waxaa kaloo ay ku dhaqaaqeen inay ku xanibeen dibadda magaalada dad badan oo kasoo qaybgali lahaa banaabaxa. Waxaa kaloo ay ku dhaqaaqeen inay ka saaraan magaalada shaqaalihii dawladda (Civil Servents) kuwaasoo ka qaybgali lahaa banaabaxa oo loogu marmarsooday inay tababar u baxayaan soconaya 2-3 maalmood oo ka bilaabatay 12kii bisha.

Inkastoo ay xooga saareen adeegayaasha Wayaanaha inuusan qabsoomin Banaabaxaa, hadana xubnihii iskusoo duba-riday waxay cadeeyeen inay dad ka badan intay filayeen ay ka soo qayb galeen banaanbaxaa.

Hogaanka labada garab ee SLM/Medrek ayaa sheegay inay raali ka noqdeen siday dadweynaha ugu soo qabgaleen banaanbaxaa taasoo muujinaysa inay dadweynaha jabiyeen darbigii cabsigalinta (Wall of Fear), taasoy ah hubka ay adeegsadaan Wayaanaha. Hogaanka labadaa ururr ayaa mahadnaq u jeediyay geesinimada ay muujiyeen dadweynaha Sidama iyo Oromo iyo dadkii kale ay ka qaybgalay banaanbaxaa, uguna baaqay inay joogteeyaan banaabxayada looga soo horjeedo cadaadiska Wayaanaha.

Slogan-ada ay wateen dadka banaanbaxayay ayaa waxaa ka mid ahaa :

 

– Unconditionally Respect the Rights of Nations and Nationalities!!

– Unconditionally Release all political prisoners!!

– The rights of peoples individually and collectively must respected as they are constitutionally guaranteed!!

– Unconditionally Stop the uprooting of the Oromo peasants from the outskirts of Finfinnee and bring those who have massacred Oromo civilians to an independent justice!

– Stop Finfinneee Master Plan! Stop uprooting Sidama from the outskirt of Hawassa!

– Bring those security forces and authorities who’ve massacred Sidama civilians on May 24, 2002 in Looqqe village to justice and unconditionally respond to the Sidama national quest to regional self-administration for which the Sidama civilians have sacrificed their lives!

– Stop harassing, intimidating and terrorising civilians of the country who have demanded their constitutional rights to be respected!!

– Stop displacing peasants under false promises of fake Development!!

– Stop selling the lands of nations and nationalities to transnational companies!!

– We need Freedom!! We need justice not bullet!!

Banaabaxa ayaa si nabadgalya ah ku dhmaaday inkastoo maamulka ka jira halkaa oo qorshihiisu ahaa inuu xasuuq ka fuliyo goobta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay