Warbixanadii dagaalada ka socda Ogadenya ee Xarunta Dhexe ee JWXO ay nasoo gaadhsiiyeen ayaa faahfaahin ka bixiyay weeraradii ciidanka gumaysiga Itoobiya lagu qaaday todobaadkii lasoo dhaafay. Dagaalada aan helnay warbixintooda oo ka dhacay sideed aag ayaa Gumaysiga laga dilay inta la hubsaday ciidan kor u dhaafaya 20 askari oo darajooyin kala duwan lahaa iyo dhaawac intaa ka badan. Dagaaladaa ayaa u dhacay sidan;

26/5/14 Inaceelay oo dagmada Sagag ee Gobolka Nogob katirsan dagaal kulul oo CWXO iyo guwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/5/14 Miira oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

30/5/14 Dagmada Sagag oo Nogob katirsan dagaal culus oo CWXO iyo kuwa saama laluudka ah ee Itoobiya waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 5 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

1/6/14 Califancad oo dagmada Sagag katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

3/6/14 Ceebla-cad oo Sagag weerar aad u culus oo ay CWXO kuqaadeen ciidan uu cadawgu leeyahay oo halkaas kusugnaa waxay ku gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

4/6/14 Dhuugdabaal oo Dagmada Sagag katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

5/6/14 Dhurwaale oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/6/14 Hawiyow oo Dhuxun katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Ku dhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 1 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay