(OgadenToday Press)- Inta badan waxaa dhagahaaga ku soo dhacayay waayahan Danbe in Dalka Itoobiya uu dhaqaale ahaan korayay, waxaana inta badan kuwa ka soo laabta sheegaan in Horumar weyn lagu tallaabsaday, Warbaxinada noocaas ah waxaa been yiri, Jaamacada Caanka ah ee Dalka Ingiriiska ku taalla ee OXFORD University kuna taala London.

Baadhitaan muddo Jaamacadu samaysay oo 108 Dal oo caalamka ah ayaa Dowlada Itoobiya waxay noqotay Dalka 2aad ee Adduunka oogu saboolsan.

Warbaxinta ayaa lagu sheegay in Itoobiya isku dayday innay hoos u dhinto heerka Saboolnimada ee Caalamka ay kaga jirtay balse wali Itoobiya waxay ku jirtaa kaalinta Labbaad (2aad) ee Adduunka.

Tirada Dadka ku nool Itoobiya ee Faqriga ah ayaa la sheeegay in dhan tahay 70 Malyuun, meesha Tirada guud ee Dalka Itoobiya yahay 90, waxaana 20 Malyan ee kalle iskugu jiraan kuwa nolol sarre ku nool iyo nolol dhex-dhexaad ah.

Warbaxinta waxaa lagu tibaaxay in 93.% dadka ku nool Miyiga Itoobiya gaar ahaan dadka reer guuraga ah yihiin dad gaajo hayso oo fakhri ah nolol maalmoodkooda aan haysan!

Ogaden waa meesha oogu Saboolsan!

Dadka ku nool Gobalka Ogaden ayaa ah dadka reer Guuraaga ah kuwaas 93.% aysan nolol haysan! Iyadoo Gobalka Ogaden uu noqday meesha oogu saboolsan Caalamka balse qurba joogta daanka loo soo buuxiyay sheegaan in Horumar weyn la gaadhay!

“In rural Ethiopia 96.3% are poor while in the urban area the percentage of poverty is 46.4%. Comparing the poverty rate by regions, Somali region has the highest poverty rate at 93% followed by Oromiya (91.2%) and Afar (90.9%). Amhara region has 90.1% poverty rate while Tigray has 85.4%.”

Waxaa si koobaan u Turjumay OgadenToday Press

Warbaxintan English ah.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay