Maanta oo ay taariikhdu kubeegnayd 20/6/14 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay siwayn looga xusay Maalinta Qoxootiga Aduunka ee afka qalaad loo yaqaano[ World  Refugee Day.] Maalintan oo loo madlay in dunida oo dhan laga xuso ayaa loogu talagalay in lagu joojiyo qoxootiga iyo barakacinta badan ee dunida ka dhaca, waxayna muhiimad gooni ah uleedahay wadamada iyo goobaha ay qoxootigu ku noolyihiin sida wadanka Kenya.
Munaasabadan oo aad loosoo agaasimay dad aad ubadana ay kasoo  qay bgaleen ayaa lagu martiqaaday bulshada ree ogadenia ee qoxootiga ku ah xeryaha Dhadhaab. Dhalinta OYSU ee Xerada Dhagaxlay ayaa munaasabada kaga qayb gashay riwaayad iyo ciyaarta hidaha u ah umada ree S.Ogadenia ay khaaska uleedahay ee dhaantada. Dhalinta OYSU ayaa soo diyaarisay majaajilooyin aad uqiimabadnaa oo ay aad ugu qosleen dadkii goobta isugu yimid iyo waliba dhaanto aad udiiran oo ay tumayaan dhalin isku cag baratay.

Ugu horayna waxaa munaasanada furtay gabadha gudoomiye kuxigeenka ka ah xerada Dhagaxlay oo lagu magacaabo Xabiibo Geedi, marwo xabiiba ayaa khudbad aad looladhacay dadkuna ay aad ugu sacabiyeen madasha kazoo jeedisay waxayna rajo kamuujisay in lagaadhi doono maalin qofkasta uu wadankiisii sinabad ah ugu noolaado ayna dhamaandoonta dulmiga iyo iskutumashada kajirta meelo badan oo Africa ah.

Intaas kadib waxaa bilaabatay ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka oo ay qolo kasta soo bandhigaysay ciyaarahooda ay gaarka uleeyihiin. Markii lagaadhay kaalintii bulshada ree Ogadenia ayay xidigihii OYSU soo bandhigeen dhaanto cajiib ah, iyagoo Jiibta iyo Jaanta isla heslayay, waxayna goobtu isu badashay sawaxan iyo qaylo iyagoo dadku ay isku dayayeen in ay goobta ay ciyaartu kasocoto isa soo tagaan. Waxay indhahaygu qabanayeen ciidankii amaanka ilaalinayay oo qoryahoodii garabka saartay oo dhexdaagan dhaantada iyagoo mobil kooda kuduubanayay waxayna kooxdii OYSU noqdeen qolada koobaad ee ciyaartooda lala dhacay loona hanbalyeeyay.
Intaas kadib waxaa siisocday khudbadihii iyo ciyaarihi kuwaas oo dhamaantood katurjumayay maalinta qoxootiga aduunka,

Dhanka kale waxaa warbaahinta lahadlay gudoomiyaha Ogaden community ee xeryaha Dhadhaab iyo Faafi Daahir Maxamad Cali oo madasha ka sheegay in aysan maalintan ahayn maalin la dabaaldago balse ay tahay maalin lamurugoodo, sababtoo ah buu yidhi waa maalin ka turjumaysa qax, qaxooti iyo barakac, waana maalin la xusayo dad wadankoodii laga caydhiyay sidaas darted waa in simurugo kudhrrhantahay looxuso ayuu yidhi gudoomiye daahir

Guntii iyo gabagabadii xafladii manta ayaa si nabad galiya ah kusoo dhamaatay iyadoo dhamaan khudbadaha madaxdii meesha sugu timid laga dheehanayay dhibka uu qoxootigu leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in lajoojiyo sababaha keena in ay dadku wadankooda katagaan

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay