Shalay oo ah jimce bisha june ay tahay 20 waxaa si rasmi ah ugu furmay magaalada Minneapolis  shirweynihii sanadlaha ahaa ee OYSU North America. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay wufuudii loogu tagalay oo ka kala imaadey magalooyin kala duwan sida Seattle, Washington state , San Diego California, Toronto Canada, Dallas, Taxes, iyo meeelo kale. Waxaa iyaguna aan meesha ka maqneyn jaaliyada Minnesota ee martida loo yahay.

Shirka oo qaybtii loogu talagaley shalay oo jimce ahayd uu dhamaaday ayaa sii socon doona wuxuuna dib furmi Sabtida subaxnimada inshalah.

Waxaa kale madasha lagu xusey maanta oo ahayd june 20 maalinta qaxotiga Ogadenia.

Waxaa maanta ugu kulkulaa qaybtii video ee laga daawadey oo ahayd kuwo laga soo duubey qeryaha qaxotiga ee Kenya oo ay kunool yihin kumanaan qoys oo ah re Ogadenia oo kasoo qaxay dhibaatada uu gumaysiga Ethiopia ku hayo shacabka. Video-yadaan ayaa ahaa kuwo k aturjumaya xaqiiqda ka jirta Ogadenya iyado wareysiyo laga soo duubey dadka qaxotiga ah ay kaga warbixinayeen dhibaatada loo gaystay.

Shirkan oo wafuuda badan ay ka sooqayb gashey ayaa waxaa hurmood u ahaa oo kana dhex muuqdey madaxda sare ee JWXO, waxaa kamid ahaa mudanayaasha goobta joogey xubno gole-dhaxe iyo gudi fulinba.  Lamasoo koobi karo dadka shirkan isugu imaadey .

Shirkaan ayaa lafilaya inuu soo gabagaboobo axada inshalah waxana iskuwadnaa inaan idiin soo tabino go’aamada shirka oo dhameystiran inshalah.

HUKUN ISSE

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay