Shirkii 8aad ee dumarka qowmiyadka kala duwan ee kunool Magalada Melbourne ayaa lagu marti qaaday OYSU Melbourne iyo Ururka Haweenka Somalida Ogadenia.

Shirkan oo   20/6/2014 ka dhacay wadanka Australia gaar ahaan magalada Melbourne ayaa lagu furay xalfad  ay Hayadda Xaququl Insanka ee Dumarka qaabilsan ey soo qaba qabanqaabiyeen. Waxaa  xalfada ka soo qeyb galay dumarka  qowmiyaddah kala duwan oo  dagan wadanka Australia gaar ahaan Melbourne, waxaa kale shirkas ka soo qeyb galay hayaddo calami ah sida Human Rights Watch.

Shirka ayaa waxaa lagu macsuumay OYSU Melbourne  iyo Ururka Haweenka Somalida Ogadenia, waxeyna ku soo bandhigeen xubnihii ka qeyb galay shirka hidaha iyo dhaqanka ee Ogadenia  oo dadkii halkaa joogey aad iyo aad ooga haley sida quruxda badanee ay u soo bandhigeyn dhaqanka Ogadenia. Waxaa kaloo ey xubnaha soo bandhigeen tacadiyada dumarka Somalida Ogadenia ey ku hayaan Ciidanka Ethiopia iyo Hawaarintooda.

Shirka ayaa ku dhamaaday guul iyo Gobanimo.

Luul/Melbourne.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay