Ilaahay Ayaa Mahadoo Idil Iska leh. Ka dib;

Waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu Ramadaanka Nolol nagu gaadhsiiyo isla markaana na waafajiyo Soonka iyo Cibaadada la socota, oo Inaad Afuriso qof muslim ah oo Soomanaa ay ugu mudantahay.

Rasuulka CS waxaa laga wariyay inuu yidhi: Qofkii Afuriya qof soomanaa wuxuu leeyahay ajirkiisii oo kale iyadoo aan ajirka qofkaa kale waxba laga dhimin;

من فطر صائما كان له مثل أجره غير أنه لا ينقص من أجر الصائم شئ  

Wuxuu Sheekul Islaam Ibn Taymiya ku sheegay afurinta inay tahay dharjintiisa.

Waxay dadkii Salafka ahaa aad ugu dadaali jireen inay afuriyaan qof soomanaa waxayna u arkayeen inay tahay camalka ugu fadli badan bisha Ramadaan. Waxaa laga wariyay qaarkood inay dhaheen; Inaan u yeedho Toban ka mid ah asaxaabtayda oon ku afuriyo raashin ay jecelyihiin ayaa igala fadli badan inaan Xoreeyo 10 adoon. Qaar ka mid ahaa Salafka sida Cabdulaahi Ibn Cumar RC, Daa’uud Ad-Daa’ii, Malik Ibn Diinaar, Axmad Ibn Xanbal, waxay siin jireen Afurkooda qof kale oo soomanaa, waliba Cabdulaahi Ibn-Cumar RC ma’aanu afuri jirin iyadoo aanay la joogin Agoon iyo Masaakiin.

Cibaadadan quudinta ah waxaa ka dhasha cibaadooyin badan sida; Isjeclaan qofka quudinaya iyo midka la quudinayo taasoo ka mid ah asbaabaha lagu galo Janada. Rasuulka CS wuxuu yidhi; Janada Gali Maysaan Ilaa aad Iimaan Yeelatan, Iimaana Yeelan-maysaan Ilaa Aad Is Jeclaataan.

لا تدخلوا الجنة حتى تؤمنوا ولا تؤمنوا حتى تحابوا     

Waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu Bishan barakaysan ina waafajiyo khayrka ducadana naga aqbalo. 

Hay’adda Geeska Afrika ee Daryeelka Agoontu (Horn of Africa Orphan Relief Organisation) waxay ka hirgalinayaa mashruuc Afurin Xaasaka iyo Agoonta ku jira Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Halkii qoysba waxaa Afurin ugu filan $100 Bisha Ramadaan oo dhan.

Ama $4 Maalintii.

Siduu Rasuulka CS inoo sheegay Sadaqada ha yareysan, Intii kaa Go’da Bixi adigoon dib u dhigan.  إتقوا النار ولو بشق تمرة

Waxaa ku hagaajisaa dadkan hoos ku xusan:-

Axmed Xuseen          +254 723 625215

Cabdi Xasan              +254 704 757215

Waxaad sidoo kale macluumaadkaaga ku soo diri kartaa e-mailka info@haoro.org si laguula soo xidhiidho.

Ama waxaad la xidhiidhi kartaa xarunta kuugu dhaw ee Jaaliyadda Ogaadeenya.    

Ilaahay Ha’idinka Aqbalo.

 

Hay’adda Geeska Afrika ee Daryeelka Agoonta 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay