(Minneapolis) Sabti 21 Jun 14, shirkii OYSU ee qarada Waqooyiga America ayaa si rasmi ah malintii 3 aad uga furmay hotelka Marriott Courtyard ee ku yaala badhatamaha magalada Minneapolis.

Shirkan oo ay dhalinyaradu si xoogan uga soo qayb gashay ayaa waxaa uu isugu jiray qaybo kala duwan, waxaana shirka laga soo jediyay khudbado, aqon is waydarsi iyo suallo ay xubnuhu si toos ah u waydinayeen masuuliyinta gudiga fulinta ee OYSU heer caalami.

Waxaa shirka ka soo qayb galay oo khudbad tarikhi ah ka soo jeediyay Dr. Sadiq Abdi rahman. Khudbadan mudane Sadiq uu soo jediyay ayaa ahayd mid ay dhalintu aad uga faiidaysteen.

Shirka ayaa hada socda, dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa wixii ka soo baxa.

 

Haka foganin wehelkaaga wararka dhabta ah ee “Ogaden News Network”

 

ONA, Minneapolis.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay