Waa HADIYAD toos ugu socota JWXO/ONLF By-Xaaji Maxamed Aw Macalim:

1-Umadyahay jihaadbaa kajira jabadyaheeniyee
2-JWXaa mar hore noo horkacay himilo joog dheere
3-Jaalow fariinmbaa jirtee galiya jeebkiina
4-Gabaygii janaalaa hawada baaq lasoo jafiye
4-Jabhadii dalkeenay xaqtahay inaan jeclaanaaye
5-Laandheere JWXaa noqdoo faras ku joogaaye
6-Calankoodu jaadkuu ahaa duni la jaanqaadye
7-Jabhadyahay waxbadan baad jirteen soona jihaadeene
8-Cadawgii Janjeedh buu udhacay wuuna jiibsadaye
9-JABIYAAY TIGREEGII WAKAA JAAH,WAREER GALAAYE
10-Jabadkaad marayseen waxbadan qodixi jiiftaaye
11-Geedaha waxbadan baad jiidhayseen goor mugdi lajoogo
12-Dhoobadu waxabdan bay jiiq latidhi jilibdhigiiniiye
13-Jilbiskiyo Abeesada marbaad jaar la noqoteene
14-Jiifaa dhurwaaguna wakaa juuqda soo galaye
15-Libaaxaa dhankiisii kujira oona joogsanine
16-Jiiq jiiqda shimbirtuu ahaa wehelka joogaaye
17-Duur joogta gabigeedba waad lawada joogteene
18-Jabhadyahay waxbadan baad jirteen soona jihaadeene
19-Cadowgii janjeedh  buu udhacay wuuna jiibsadaye
20-JABIYAAY TIGREEGII WAKAA JAAH,WAREER GALAAYEE

Halkan Ka dhagayso Gabaygan 90ka Bayt ah:

      1. Gabayga JANAALE
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay