Maamulka Faraca Kwazulu Natal ee fadhigiisu yahay magaalada Durban ee wadanka Koonfur Afrika Kana mid ah Jaaliyadda Baldhan ee JOKA Ayaa shir isugu yimid maanta ooy taariikhdu ku beegnayd. 23/06/2014.

Shirkan ayaa kusoo hagaagay Xili ay Xarunta JOKA ku hawlan tahay Banaanbax wayn oo maalinta Bari ah 24/06/0″2014 kadhici doona Gobolka Gauging, Banaanbaxaas oo ay iska kaadhanayaan Jaaliyada Ogaadeeniya iyo tan Oromiya ayaa lagu wadaa in uu gilgili doono Magaalooyinka JHB iyo Pretoria.

Hadaba Maamulka Faraca Durban ayaa ka arinsaday Umuurahaas iyo sidii looga qayb qaadan lahaa Hawlaha balaadhan ee kasocda Xarunta JOKA. Maamulka ayaa ka dhagaystay Warbixino Hogaamada Iyo wax qabadkii labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Kadib waxaa laguda galay sidii loo dhamaystiri lahaa qorshayaasha qabyada ah. Shirkan oo ay isugu yomaadeen maamulka faraca ayaa si guul ah kusoo dhamaaday.

Ilkacase. Durban.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay