Waxaa maanta Bananbax lagu qabtay magaalada Pretoria halkas oo ah caasimda wadanka  South Africa. Bananbaxa oo ahaa mid gilgilay wadooyinka magaalada ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad kun gaadhaya oo isaga kale gobolo kala duwan.  waxaa laga bilaabay socodka  meel 10km u jirta Union Building oo ah Aqal madaxtooyada South Africa. Bananbaxa waxaaa wada diyaarinyay Jaaliyaddaha maatahana ah ee Ogaden iyo Oromo.  Socodka oo aad u dheer  wuxuu magaalada galay cidhiidh dhinaca isu socod halkaas oo polic-ka iyo Traffic-kada wadanku  si wada   jira  ay xidhiyeen wadooyinka .

Ujeeda Bananbaxa oo aha in la muujiyo dhibaatada dowlada  Ethiopia ku hayso shucubta ay gumaysato sida Somalida Ogaadeenya iyo Oromada . Waxaa dadku ku dhawaaqayeen samacado codkoodu aad u dheer yahay midkaas oo laga maqlayay xafadaha ku xeeran wdooyinka ,  oo dadka inta badan ay guryaha iyo goobaha ganacsiga kor ugu soo baxeeyeen si ay u arka una dhagayta codka dadka . dadka waxay ku qaylinayeen erayo kadhan ah taliska mucangaga ah ee Ethiopia haysta .

Dadka ka soo qayb galay mudaharadka waxay kale yimaadeen meelo kale duwan oo kafog caasimaada. Waxaa dadka  lagu keenay Basas lagag soo dal dalay  magaalooyinka Johanesburg iyo Pretoria iyadoo ay jireen dad badan oo wadatay baabuur gaar ah .

Mudahaaradka waxaa isugu  yimid saxafada wadanka iyo mida dibada  kuwaas oo dubayay habsocodka mudaharaadashayaa .  dadka oo xamasadaysnaa  awgeed , saxafiyiintu orod ayay ku duubanayeen .Mar aa wax ka waydiiyay nin saxafi ahaa oo mudaharaadka  aan kula  kulmay ,  wuxuu yidhi   “ ma anan  arag mudahaarad noocan oo kale ah “ .

Ugu danbeeytii , Mudaaharaadashayashii waxay  gaadheen goobtii loogu talo galay midaas oo ahayd aqalka madaxtooyada ama looyaqaano Union Building halkaas oo mar hore ay jaaliayadda Ogaadenya kaligeed ku mudoharaaday 2007 . Waxa goobtaas yimid ninka socod xafiiska madaxweynaha Jacob Zuma .  waxaan halkaas gacanta lagaga riday warqadii cabasha (memorandum Letter)   midaas oo balan qaaday Mbleki  in uu horgaynayo madaxweynaha wadanka .

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay