Walaalaha Waxaan Leeyahay Ramadaan Mubaarak.

Intaa ka dib; waxaan ku baraarujin lahaa; waa inaan ogaanaa in  Ilaahay SWT  Rusushiisii CS uu u soo diray aduunkan ayna dhamaantood wadeen halfariin oo ah in laga xoreeyo dadka is adoonsiga iyaga dhaxdooda ah.

Hadaba taasi waxay inugu boorinaysaa ama ina amraysaa inaan diidno kana dhiidhino cidii ka hor imaata xikmada ilaahay ee ah inaan ahaano dad xor ka ah is adoonsi.

Waa inaan ogaanaa in Ilaahay uu na amrayo inaan isaga kaliya u hogaansanaa on ka mid noqonaa  adoomahiisa. Rubci bin Caamir markii loo diray Rostum oo ahaa Boqorka Furus (Iran) ee la weydiiyay sababta ay ugu soo duuleen iyo waxay doonayaan wuxuu ugu jawaabay; Waxaa nahay qawm uu Ilaahay usoo diray inaan ka saarno aadanah inay is-adoonsadaan oo Ilaahaygii aadanaha abuuray oo kali ah u noqdaan adoomo.

 قال ربعي بن عامر : نحن قوم بعثنا الله لنخرج العباد من عبادة العباد إلى عبادة رب العباد ؟

Laakiin  dulmiga  bani aadanka ee ah inuu is adoonsado waa mid kasoohorjeeda  xikmada Allah, had iyo jeerna waxaa xaqa ku taagan kan doonaya in lagu noolado  sida uu Ilaahay jecelyahy inaan ku noolaano. Umadeena waa inay ku noolaadaan aduunkan sharaf, sharaftuna waa inaan ka xorownaa gumaysiga.

Dalka inaga ayaa leh oo Ilaahay nagu beeray, inaga ayayna tahay inaan ugu noolaano sida uu ilaahay inaga doonayo. Taas qofka diidan ama kasoo horjeeda waaa qof ujeedadisuu tahay inaan ku hoosnoolaano dulmi iyo dulli aduun.

Ogaada nimaan xor ahayn  waa gun, inuu ka dagaalamana waa sharci waana sharata umadaas.

Cadawga muslimiinta Allaha jabiyo.

Sh. Axmad Makaahiil

Culumada Xaramka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay