Waxaa maanta kafurmay magaalada Offenbach ee dalka Jarmalka munaasabad balaadhan oo siwanaagsan loosoo agaasimay taasoo ay kasoo qaybgaleen dadwayne aad utiro badan waxaana munaasabadan loogu magac daray The World Village Festival.

 

 

 

 

 

 

 

 

Munaasabadan oo socon doonta mudo labo bari ah ayaa waxaa siwanaagsan ooga qaybgalay Jaaliyada Somalida Ogadenya iyo Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadenya ee OYSU. Waxaa lagu soobandhigay munaasabadan hidaha iyo dhaqanka wadanka Ogadenia  kaasoo dadkii bandhigan kasoo qaybgalay  ay aad ooga  heleen  xaga cuntada iyo waliba  ciyaaraha   hidaha iyo dhaqanka   ay soo bandhigeen ururka OYSU ee dalka Germany.

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa xusid mudan in Jaaliyada iyo ururka OYSU ee Germany ay kuqaybiyeen bandhigan waraaqo farabadan oo katurjumaya dhibaatada baahsan ee kajirta wadanka Ogadenya taasoo aysan beesha caalamku inteeda badan waxba kala soconin kadib markuu Gumaysiga Itoobiya kamamnuucay saxaafada caalamku ineey xaalada Ogadenya wax kaqoraan.

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale waxaa siwanaagsan ooga sooqaybgalay munaasabadan saxaafada dalka Jalmalka oo waraysigu aad uxiisa badan layeelatay masuuliinta Jaaliyada Somalida Ogadenya ee kaqaybgalay xuskan maanta kafurmay magaalada Offenbach ee dalka Jarmalka oo 29/6/2014 lasoo gabagabayn doono haduu eebuhu yiraahdo.

 

 

 

 

 

 

 

 

ONA / Offenbach -Germany

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay