Waxay dadka aan aqoonin khiyaanada KT Meles aad ula yaaban yihiin xeryaha qaxootiga ee xadka Doolow uu ka furay ee boqolaalka Somalida ah ay ku soo qulqulayaan iyadoo la ogsoon yahay in abaaraha ka jira Geeska Afrika ay dhibaato ba’an ku hayaan gobolo badan oo dalkiisa ka mid ah iyo Ogadenya oo hay’adihii samafalka uu ka soo saaray.

KT Zinawi oo ku soo barbaaray khiyaano iyo tuuganimo, dabeecadaa uu ku soo barbaaray lagama yaabana inuu dhanna uga weecdo sababtoo ah naftiisa sharka ku barbaartay si kaloo ay ku xasilil karto ayaan jirin sida ay qeexeen culumada ku takhasasay dabeecadaha aadanaha (Behavioural science). Waxaa aad ugu sahlan qofka dabeecadaa leh inuu si sahlan u maleego sharka iyo khiyaanada meesha ay aad ugu adagtahay inuu ku fikiro wax kastoo wanaag ah iskaba daa inuu sameeyee.

Mar ay su’aalen saxaafadda dalkiisa arinta abaaraha iyo inuu sidii Mingisto caalamka uga qarinayo dhibaatada haysata shacabka wuxuu durbadiiba kaga jawaabay;

( .. ma qarino cunta la’aan hadday ka jirto dalka sida maamulkii iga horeeyay ee Mingistu. Markay weydiiyeen sababta ay Somalida Ogadenya ugu qaxayaan Kenyana, wuxuu yidhi, kumanaan qaxooti Somaliyeed ah oo ka yimid gobolada dhexe ayaa soo galaya xeryaha Itobiya taasaana cadaynaysa in aanay Itobiya ka jirin siyaasad lagu horjoogsanayo mucaawano la siin lahaa Somalida.

.. However, Meles declared that he will not hide the food emergency in his country like his predecessor Mengistu regime. Asked why Somali refugees are fleeing the Ogaden region toward Kenya, Meles said the thousands of refugees from central Somalia receiving aid inside Ethiopian camps shows that his government has no policy of obstructing aid to Somalis.)

Halkaa waxaad ka ogaanaysaa ujeedada uu Meles u furay xeryaha Doolow taasoo ah inuu caalamka uga sii jeediyo dhibaatada abaaraha ee ka taagan Ogadenya iyo gobolo kale oo Itobiya ka mid ah.

Inkastoon ogsoonahay in haya’daha samafalada waxtarkooda uusan u dhigmin dhawaaqooda iyo xoolaha ay abaaraha dartood u ururinayaan, iyadoo baadhitaano badan lagu ogaaday in gargaarka la gaadhsiiyo shacabka tabaalaysan uusan dhanayn 20% wixii loo qoondeeyay, hadana ujeedada Meles uu u qarinayo dhibaatada abaaraha Ogadenya ka jirta waa sida bayaanka ururka mucaaradka Ginbot7 ay ku sheegeen ee ah inuu u kaashanayo abaaraha siday ugu fuli lahayd ujeedooyinkiisa sharka xambaarsan ee ah inuu waxkasta u adeegsado baabi’inta mujtamaca Ogadenya.

( — In fact, the brutal regime of Meles Zenawi of Ethiopia would use the current famine as God sent tool to fulfil its evil ambition to destroy the Ogaden community by all means necessary. Ginbot7 )

Ugu dambayntii, waxaa hubal ah inay guul-darro ku dambayn isku dayga dhiigyacab Meles ee ku dhisan cunaqabataynta iyo shirqoolada uu u maleegayo shacabka Ogadenya suu uga weeciyo halganka shacabka Somalida Ogadenya xaqqa aaya-ka-tashigooda.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. nafftii hure says:

    ma aniga ayaa walan mise waxa waalan shacabka ogadeniya !!!!!!!!!!!!!
    war hadii gobanimo la doonayao ma isaaq ayaan ka liidanaaa siyaad bare oo itoobiya ka adkaa kana xoog badnaa ayay hadh cad meel iska mariyeene ma itoobiya ayaan iska celin kari waynaya inagoo tiri ahaan iyo dhaqaale aahnba aan cidi inaga badnayn
    wxn leeyahay shacabka ogadeniya inaga ayaa gumaysta dhulka isku dhignay markaa aynu adkaysano
    haynu doonayno in aynu guulaysanana isaaq kama liidano
    ayn dhacsano gobonimadeena
    waad mahad santiin [ona}

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay