WaagaCusub – Waa casar gaaban oo ay cad-ceedu liiqa sii galayso,laydh midabo ka la jaad-jaad ah ayaa shidan,Gidaarka oo dhanka bidixda waxa ka lalmada calan hoostiisu yahay casaan dhexdiisu yahay buluug ay xidig cad dhexda meerisay,dushiisunu ay tahay cagaar oo sida la aaminsan yahay u taagan madax banaanida Qaranka Ogaadeeniya,meel aan ka fogayn calanka waxa sudhan maro geed caleemo leh dhexdiisa buug ka la furan ku qoray yahay,calaamad iftiin muujinaysana oo sida dabshidkii oo kale ah dulsaaran tahay oo nalagu baray in ay astaan u gaar ah Ururka OYSU tahay, boqolaal dad ah oo carruur iyo haween soo shareertay u badan ayaa kuraas cad-cad oo la safay hall weyn oo ku yaala dabaqa saddexaad ee Guriga Jaaliyadda Ogaadeeniya ee Yemen (JOY)soo fadhiya kuwas oo ku daawanaya Riwaayad la magac baxday “Aan habee Ilmahayga hooyo maan odhan karaa”.

Waxa ay arkayaan nin jilaya Tigray faraxumaynaya gabadh Soomaaliyeed ,taas oo dumarka daawanaya aad uga cadhaysiisay oo aad dareenka ay ka bixinayaan aad ka dareemi kartid wajiga ay kuudidanayaan iyo madaxa ay lu’layaan.Erayada ay aadka ugu qosleen marka ay daawanayaan filinka ayaa waxa ka mid ah “,meel Jacayl kaa gala ba ma adigaa leh Liyuu Police-sow,” iyo kabahaaga qudhmuunkooda Liyu Police-sow dariskaa ka ashkatooda.”Waa luuqad ay aad u fahmayaan Soomalida ka soo jeeda Arliga Itoobiya gacanta ku hayso oo la macnaha,”gaalka dil gartiisana sii.”

Waxa mar kaliya shib iyo shanqadh la’aan la xasilay markii gabadh qurux-badan is la markaasna cod macaan oo codka sida hirarka isu dul dhigaysa is la markaasna sida fardaha ugu danantay,”Maxaan gobonimooy ku raadshay,” hees-calaa’cal,faan,kibir,garnaqsi iyo gabonimodoonimo ku ladhanyihiin kaga jagaxsiisay,taas oo marka ay dhamaysay aynan dadka ku jira filinka la dawaanayo oo kaliya aynan is ku darin guux ka turjumaya sida raali iyo badh looga noqday ;haseyeeshee,dadka daawanay ay guux la mooday roob,onkod iyo circadaa oodihiisa wata gadiisii is qabsaday la la reemay.

Dhanka midigta waxa kaa qabanaya qol ay koox faneeda “Horseed Qaran” ay isugu qaban-qaabinayaan gabdho shidan oo ku labisan hu’ga hidaha iyo dhaqanka iyo wiilal is ku jabsaday oo garba-galayaal OYSU lagu buufiyay ku soo labistay,si ay ugu soo bandhigaan murti raali galisa martidooda iyo mudanayaasha goobta isugu yimid ee tan iyo casarkii sugayay.Dabcan way is ka cadahay in soomaalida Sanca u bilaabmayo habeen aad u mashquul ah oo jawi farxad leh buux dhaafiyay.

Sii Akhri

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay