Warbixinada naga soo gaadhay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa lagu faahfaahiyey dagaalada maalinlaha ah ee u dhexeeya Ciidanka Wadanig Xoraynta Ogaadeeniya iyo Ciidamada dulmiga ku jooga Ogaadeniya ee Itobiya.

Dagaaladaa lagu naafeeyay ciidanka cadawga ee xeryaha ka samaystay dalka Ogadenia ayaa lagaga dilay inta la hubsaday ciidan kor u dhaafaya 13 Askri oo darajooyin kala duwan watay, waxayna u dhaceen dagaaladaa sidan;

17/06/2014 Dagaal ka dhacay Ciray oo Dhuxun katirsan waxaa ciidamada gumaysigaEthiopialagaga dilay dagaalkaasi 2 Askri waxaana lagaga dhaawcay 4 kale.

20/06/2014 Towrane oo Dhaxbuur katirsan dagaal ka dhacay waxaa Askarta gumasyigaEthiopialagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 4 kale

23/06/2014 Weerar xoogan oo ay ku qaadeen Cutub katirsan ciidanka JWXO ciidamo gumaysigu lahaa oo kusugnaa deegaanka lagu magacaabo Gurumo oo katirsan Magaalada Garbo ayaa waxaa ciidamada saama laluudka ah ee gumaysigaEthiopialagaga dilay weerarkaasi inta la xaqiijiyey 7 Askari.

25/06/2014 Halka lagu magacaabo Sanka-dhane oo Birqod udhow kamiin ay halkaasi ka xidheen ciidanka JWXO ayaa waxaa soo galay gaadiid milatri oo ay lahaayeen gumaysigu waxaana halkaasi lagu gubay  hal baabuur oo isaga iyo wixii saarnaa ay halkaasi ku basbeeleen.

26/06/2014 Cadaadley oo iyana Dhuxun katirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidamada doolka ku jooga Ogaadeeniya lagaga dilay dagaalkaa Hal Askari waxaana laga dhaawacay laba kale.

Deegaano kamid ah Gobolka Jarar ayay ciidamada gumasyiga Itobiya ka wadaaan xasuuq, waxayna wararka naga soo gaadhay gobolka Jarar sheegayaan in meelaha ugu daran ee xasuuq ka dhacay ay kamid ahayd  Tuulada Guna Gado ee Gobolka Jarar halkaasoo ay Ciidamada gumaysiga si foolxun ugu gumaadeen dhalinyaro kasoo wada jeeda hal qoys oo kor udhaafaya illaa 10 Nin.

Xasuuqan foosha xun oo dhacay Isniintii lasoo dhaafay oo ay Taariikhdu ahayd 23 June 2014, ayaa Magacyada Ragga halkaasi lagu xasuuqay waxaa kamid ah;

Maxamuud Muxumed Qolinle

Cabdulaahi Bashiir Maxamuud

Cabidwahaab Mukhtaar

Axmexd Ibraahim Rashiid

Yuusfu Faarax Odawaa

Ibraahim Maxamed

Deex Cabdinuur

Cabaase Muxumad

Cadulaahi Muxumad Xeef

Bashiir Muxumed Dhagoole

Mahad Cabdi Baydoon

Xasuuq wadareedka Ciidamada Itobiya ka gasytaan Ogaadeeniya ayaa ah mid ay si joogta ah u qorsheeyaan kuna fuliyaan hadba deegaan kamdi ah Ogaadeeniya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay