Waxaa fadhi lagu qiimaynayo xaaladda uu ku sugan yahay dalka isugu yimid niman Indheer-garad ah, Aqoonyahano iyo odayaal Taariikhda dalka la socda. Fadhigaa oo dhowr habeen la’isugu yimid si loo qodobeeyo dhibaatada shacabweynaha ay u gaysteen nimankii xukunka isaga dambeeyay, isla markaana loo qiimeeyo xaalada uu waqtigan xaadirka ku sugan yahay dalka iyo dhibaatada shacabka loo gaysanayo.

Ugu horeyn Cabdi iley kahor dhibaatada loo geysto shacabku mayareyn marna oo waxay ahayd mid aad ubadan oo layaable marka loo eego caalamka kale waxyaabaha ka dhici kara. Hadaba xukunka Cabdi iley kahor sidey hawshu ahayd aan qodobayno;

1. Dadka wakhtigaas waa laxidhi jiray laakiin xukun been ah oo dheer lalama tiigsan jirin, sababtoo ah kanxidhaya laftiisa ayaa ogaa in uu qofkan masabidayo.

2. Dadka laxidho intooda badan waa la arki jiray cuntana waa loo geeyn jiray.

3.  Waxaa jirtay ama joogtay wakhtigaas ICRC ama Red Cross inkasta oyna active ahayn hadana wax un qaban jirtay.

4.    Dadka laxidho waa loo dacwoon karay waana loo hadli jiray wax layskula yaabana mayna ahaan jirin kama danbeystana cidii aan ladilin ama latooganin  si uunbaa loo siideyn jiray.

5.    Maxbuuska hadii aan laxukumin wakhtidheer muuna xidhnaan jirin.

6.    Maxbuuska hadii aan laxukumin meeshii ama degmadii uu joogay ee laga qabtay unbaa lagu hayn jiray, laakiin markaaba Jeel Ogaadeen looma soo qaadijirin islamarka laqabto hadii uuna ahaayn qof markaas loo arko in aan halkaas lagu hayn karin.

7.    Markhaati beenaale sicad loogaranayo ama sicad wax umasabidayaa guud ahaan majirin.

8.    Guud ahaan dad mushahar ku qaata oo kaliya in ay warkeenaan iyo in aay wax masabidaan ama markhaati been ah furaan majirin.

9.    Degmooyinka iyo gobolada haba tabaryaraadaane waxaa joogay oo maamul ka ahaa dad halkaas udhashay oo dadka kala garanaya oo waxyaaba qaarkood kameereysta xishood iyo dhaqana uu ku yarajiro.

10.     Inkasta oo maxaabiista lagadan jiray oo lacag lagu soo furan jiray hadana Dadka sicad looma kala gadan jirin.

11.    Seylada iyo meelaha xoolaha lagu gado dadka xoolaha keena lagama soo ugaadhsan jirin.

12.    dadka dadka wanjalaa way koobnayeen oo caan ayey ahaayeen iyo farakutiris dadkuna way iska ilaalin jireen dadkaas maadama oo la garanayey.

13.    Xumaanta iyo wanaagu iskuma dhex milsaneyn, xumaantu waay cadeyd cidii u badheedhana waa la arkijiray.

14.    Maxakamda iyo cadaalada dadkii joogi jiray mayna ahayn dad shuruud lala galay ama loo yeedhiyo  go aanka aay qaadanayaan intiisa badan sidoo kale maaynaan ahaayn dad shaqadoodu aay kuxidhan tahay in aay xukun dulmi ah ridaan oo kaliya.

15.    Xidhayga dumarka iyo caruurtu inkasta oo uu jiray hadana 40% waa laayskula yaabijiray.

16.    Go aanada qaarkood waxaay ahaayeen decentralized sidan centralized umaaynin ahaayn  gaar ahaan maamulada degmooyinka iyo gobolada.

17.    Dadka waxaa xukumay dad aay garanayaan oo u damqanaya xitaa hadii uuna waxba u tarikarin.

18.    Kheryradka iyo manaafacaadka dawladu 100% muuna ahaayn mid xumaan kaliya kuxidhan waxaana jiray dadbadan oo wanaagsan laakiin dawlada ushaqeeya.

19.    Dadka reer guraga ihi magaalada weey imin jiraan weeyna ka toogeysan jireen iyaga oo uuna dhibadanigaadhay oo aan sitoos ah loo dhicin hantidooda.

20.    Maxbuuska jeelka ku dhinta eheladiisu sitoos ah ayeey u aasan jiraan, lacagna meyna bixinjirin laakiin maanta meydka maxbuuska ilaa aad 5ila 10 kun bixiso lagumasiinayo lama aasikaro.

21.    Hada kahor guryaha dawlada qasab lagulama kala bixi jirin.

Indheergaradkii meesha isugu yimid inay ku qiimeeyaan xukunadii gumaysiga usoo wakiishay shacabka S.Ogadenya, Kow iyo Labaatankaa Qodob ayay ku soo ururiyeen. Q2aad ayaad kaga bogan doontaan Qiimayntii mudaduu xukunka haystay Cabdi Ileys nooca uu ahaa iyo dhibaatada soo gaadhay dadweynaha iyo gumaysiga dfoorka uu ku lahaa dhibaatayntaasi.

Noora Afgaab.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay