Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo dhawr ah oo N/Hurayaasha CWXO ay ku qaadeen ciidanka gumaysiga Itobiya. Dagaaladaasi oo dhacay dabayaaqadii bishii hore iyo Horaanti bishai ayaa u dhacay sidan;

01/07/2014 Deegaaka lagu magacaabo Dhabiile oo Dhagaxbuur katirsan  waxaa lagu dilay Askri kamid ha ciidamada gumaysiga Itobiya.

2/07/2014 Guud-habreed oo Dhanaan katirsan dagaal ka dhacay waxaa Ciidamada saama la luudka ah ee gumaysiga Ethiopia lagu gaadhsiiyey khasaare xoogan oo aan la faahfaahin.

25/06/2014 Dagaal ka dhacay Geelnuujis oo Garbo ka tirsan waxaa ciidamada gumasyiga Itobiya lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

23/06/2014 Dagaal ka dhacay Dul-gaban oo Garbo  duleedkeed ah  waxaa ciidamada gumaysiga Itobiya lagaga dilay 4 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

22/06/2014 Deegaanka lagu magacaabo Labiya oo Sagag udhow dagaal ka dhacay waxaa askarta gumaysiga Itobiya lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

16/06/2014 Maraguduudshe oo Garbo katirsan waxaa lagu dilay  4 Askari oo kuwa gumaysiga Itobiya ah waxaana lagu dhaawacay 6 Askari.

13/06/2014 Weerar xoogan oo ay cutub katirsan ONLF ku qaadeen ciidamo gumaysigu uu lahaa oo kusugnaa Burayska oo Xamro katirsan waxaa weerarkaasi lagaga dilay ciidamada saama la luudka ah ee mooraalka jabsan 13 Askari waxaan jira dhaawac aanan helin faahfaahintiisa.

12/06/2014 Dagaal ka dhacay Ina- kooshi oo Garbo udhow waxaa ciidamada gumaysiga Itobiya lagaga dilay 6 Askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.

11/06/2014 Halooyo oo Xamro udhow dagaal xoogan oo ka dhacay waxaa ciidamada gumasyiga Itobiya lagaga dilay 6 Askari.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay