Waagacusub – Waxa bilihii ugu danbeeyay soo badanayay shayaadiin buste-weyn soo huwaday..waxa aad arkaysaa Itoobiya oo lulaysa Calanka Qaranka Soomaaliyeed, waxa aad arkaysaa iyada oo taaladii Sayidka Cabdille Xassan Dhisanaysa ama Cabdi Iley oo qof kale is ka dhigaya ..Barri ka maalin in aad maqashid Itoobiya oo sheeganaysa in ay tahay dufaaca kaliya ee u taagan Diinta Islaamka. Hoos waxa ku qoran maqaal Jawaab celin ah oo naga soo gaadhay Xasiifka Hogaanka Warfaafinta ONLF. (Halkan Riix)

Marka aan akhrinay maqaalka Waagacusub Media lagu soo daabacay oo cinwaankiisu ahaa (Maxaa ku cusub halganka ay hormuudka ka tahay ONLF), anaga oo tixgalinaya qiimaha ay saxaafadu leedahay, gaar ahaan shabakadda Waagacusub Media ah website caan ah is la markaasna maqaalada lagu qoro aad loo akhristo, waxa aan jeclaysanay in aan dhowr qodob u ifino qoraaga maqaalka iyo akhristaha ba.

ONLF waa urur Gobanimodoon oo dagaal hubaysan ku la jira cadawgii guunka ahaa ee guud ahaan umadda Somaliyeed, gaar ahaana ah mid gumaysta shacabka Somaliyeed ee Ogaadeeniya. Urur Gobanimodoon oo ku jira Halgan Gobanimadoon tilmaamo la yaqaano ayuu leeyahay ay ugu horeyso ilaalinta midnimo ku dhisan dareenka Wadiyadeed ee qofka ( ultimate Patriotism)- oo qofka naftiisa,maalkiisa iyo waqtigiisa ba uu u hurayo hadafka uu aaminay ee Xoraynta dalkiisa ah. Waxaana laga filayaa oy tahay, qofka ku soo biiraya ee go’aansaday in uu taageero halgankaasi in uu yahay qof ku qancay xaqnima qadiyadiisa, sidaa darteed ay tahay in uu ka ilaaliyo wax kasta oo dhaawici kara midnimada halganka. Dhamaan shucuubta caalamka waxa ay ka midaysan yihiin in ay jirto –Waqti/xilli- ay umadda u baahan tahay Ilaalinta Midnimada. Hadaan intaa isku raacno:

Maqaalka lagu qoray Waagacusub Media ee Ciwaankiisu yahay (Maxaa ku cusub halganka ay hormuudka ka tahay ONLF) waxa uu ahaa Dhaliil nooca aan Wax tarin oo aan nasiib u yeelan dhaliil dhismeed, waxaana lagu gartaa dhaliisha noocan ah; hadafka ugu weyn ee laga leeyahay waa in la yidhaahdo waxaasaa khaldan iyadoo ereyo kala duwan la adeegsanayo oo tooshka lagu qabanayo, si qofka akhrinaya ugu sawiranto wax khaldan waxa aan ahayn inuusan jirin. Inta ugu badanna dhaliilaha noocan oo kale ah; wuxuu ku dhisan yahay shaqsi abaar. Shaqsigaa dhaliisha lagu jilayo, waxa ay u arkaan in uu yahay udub dhexaadka mashruucaa. Hordhacaa yar ka dib.

Nin dhaantoole ahaa oo dhaantada aad u tumi jiray; hasa ahatee, iin lahaa ayaa markuu dhaantada soo galayo: Si dhalin yarada ku maagi lahayd iintiisa aanay fursad uga dhigan ayuu ku bilaabi jiray inuu yidhaahdo – Sidaa iyo Sidaa ba waan ahay ee maxaa la’igu sheegi doonaa? ” Halkaa ayuu ku xidhay in iintuu lahaa laga dhigto qodob lagu weeraro. Shaqsiga Cabdi Cumar ama kooxda maqaalkaa qoray ee sheegtay ONLF iyaga oo fikradaa ka duulaya ayay gabaad ka dhigteen; (Su’aalahan iyo kuwa kale oo fara badan hadii aad weydiiso madaxda ururka jawaabta aad helayso waxa ay noqonaysaa,waxaad u shaqaysaa cadow, Ethiopia ayaad u socotaa iyo weedho la mid ah.) Qofkii caqli leh wuu garanayaa ujeedada weedhaa loo qoray, waxa ayse la mid noqon kartaa oo hadalkan laga soo dhiraan dhirin karaa, arartii ninkii dhaantoolowga ahaa, oo macnaha uu yahay;waaban ahaye, maxaa kalood igu sheegi ?!!

Hadaan hoos ugu sii daadagno;sababta ay u dheheen jawaabta nala siin doono waa –Waxaad u shaqaysaan cadaw– waxa ay ahayd su’aalo ay soo dhigeen shabakadda oy ku bilaabeen a) Qiyaas ahaan halganka ma kor buu u socdaa,mise waxaa jira hoos u dhaca?

Waxa aad moodaa dadka su’aalaha noocaas oo kale ah soo dhigaya shabakadaha oo hab dhaliileed u soo bandhigaya in ay aad isaga qasan tahay farqiga u dhexeeya wada-tashiga ururnimada iyo wada-tashiga qabiilka. Maqaal loogu magac daray (Qodobadii lagu soo oogay ONLF)

http://www.ogadennet.com/?s=Maxaa+ONLF+loo+colaadinayaa&x=13&y=6

ayaa waxaa ka mid ahaa dhaliilaha la sheegay in loo soo jeediyo ururka: Ma ogola ONLF in la la taliyo.Jawaabta uu qoraagii maqaalkaa ka bixiyay dhaliishaa ayaa u dhignayd sida tan:

Nidaamka qabiilka iyo midka ururnimo meelaha ay is ka diidaan waxaa ugu horeeya habka wada tashiga. Qabiilka laguma soo galo mabda’a iyo xeer dhigaya ka mid noqosho sida la mid ah ururada siyaasiga ah, qofkastana wuxuu xaq ugu leeyahay inuu danta qabiilkiisa ka taliyo had ii uu ba fadhiyo goobta lagu tashanayo, meesha ururka uu leeyahay qaab nidaam ah oy ku wada tashadaan taladana ay isugu gudbiyaan. Sidaan qodobada hore ku soo tilmaanay caqliga shaqsiga Soomaaliga ah waxaa ku qafilan in urur wal ba uu qabiil yahay, sidaa darteed waxa ay filayeen in ONLF-na ku dhaqanto caqliga qabiilka (Tribal mentality) ee loo sinaa wada tashiga, oo dhalashada lagu soo galayay xaquuq iyo waajibaad ba. Waxaa iska horyimid dareenkii qabiilka oo dhibka haysta uu u muuqdo iyo dareenkii ururka ee ku dhiirigalinayay dadweynaha in loo adkaysto dhibka ka sokeeya hanashada Xoriyadda.

Midkii danaha qabiilka ay u muuqatay wuxuu doonayaa in la la tashado isaga oo ku hubaysan in uu soo ururiyo dhibaatada uu gumaysigu ku hayo dadka shacabka ah. waxa uuna rabaa in la maro wadada ay mareen qabiilada kale oy kaga badbaadiyeen dhibaatada Itoobiya. Waxaa halkaa ka soo baxay laba fikrad oo ku ka la salaysan Ururnimo iyo Qabiil oon lahayn meel ay ku kulmaan. Urur leh nidaam iyo xeer oo aaminsan in uu guusha gobanimada ku gaadhayo adkaysi iyo mintidnimo iyo Qabiil leh dana u gaar ah oon ogolayn dan guud in uu qofkiisa uga dhinto.

Haddii aan caqliga la kaashano; su’aalaha uu soo dhigay Waagacusub Media Cumar Cabdi ,haba ahaado mid xubno kale matalaya qoraalkoode. Ma la odhan karaa urur halgan hubaysan ku jira isma weydiiyo? Masa dhici kartaa in uu ururka kaga jawaabo su’aalahaa hab saxaafadeed u jeedaduu doono ha ka lahaadee?

Waxaa kaloo la yaableh in shaqsi masuul ah dambi looga dhigo xubinkuu masuulka ka ahaa haduu cadawga u galo!! Dawladaha waaweyn ee boqolaalka sirdoonka ah leh ee technology-yada sare u adeegsada ka warqabka iyo ilaalinta sirtooda ayaan ogsoonahay in la helo xubna sare oo talaalnaa oo laba Sim-card layaal ahaa. Robert Hanssen iyo Cabdinoor mid kee sareeyay? Mid keese joogay boos xasaasi ah oo mudada uu qarsoonaa ay ka badan tahay mid ka kale? Wuxuu ahaa Hanssen FBI muddo 22 sano ah is la markaasna sirta Mareykanka u gudbinayay Sofyetka iyo Russia ilaa la qabtay 2001 cidna ma ogaanin kamana shakinin muddada intaas le’eg ,sax? Cabdinoor wuxuu ahaa xubin ka tirsan Hogaanka Arimaha Dibadda ee Ururka, wuxuuna hayay hawl dhigiisa ah. Baadhitaankii la sameeyayna wax yaaba aan loo baahnayn in lasii faadh-faadho ayaa lagu ogaaday oon ahayn sida ay dad badan moodayaan. Is kusoo duuboo, u galidda cadawga uu Cabdinoor u galay waxa ay ahayd khiyaano uu u gaystay naftiisa dadkiisa dalkiisa iyo diintiisa is la mar ahaantaana waxa uu noqday nin kabta iyo kitaabku isugu mid yahay oo dhaartuu maray ka been sheegay. Mawduucaa qofkii doonaya intaa wax ka badan in uu ka ogaado hasoo weydiiyo hogaanka ay quseyso.

Arinta ku saabsan IHASA ood moodo in maqaalka loola jeeday, iyada oo inta horena ay ahayd uun arar iyo hordhaciisa. Waxaa fiicnayd in qofka ama kooxda soo qoray maqaalka ay fahmaan haya’addan IHASA waxa ay tahay iyo Vision-ka ay leedahay.

Wuxuu qortay machadka IHASA (tarjumaad) In uu horumarinayo nabadda, cadaaladda, sinaanta, horumarka iyo in uu taageerayo wixii horumarinaya dawlad wanaagga iyo joojinta dagaalada ka socda Geeska Afrika .. (IHASA promotes peace, justice, equality, development and supports policies and actions that contribute to the advancement of good governance and the elimination of conflicts in the Horn of Africa.). Hadaanan ka dhex arkin IHASA Xamse Warfaa, oon hadafkaa uu astaamaystay machadka aan ku qiimayno, miyaanay ahayn urur ahaan in aan soo dhaweyno hay’ad kasta oo isu xilqaanta in ay ka shaqayso nabad ku dhisan cadaalad iyo sinaan in ay ka hirgasho Geeska Afrika? Machadkaa IHASA isaga oo fulinaya Mission-ka uu astaamaystay, wuxuu xaq u leeyahay in uu la kulmo garabyada isku haysta Geeska Afrika ee dagaalka uu ka dhex socdo, ka dibna daraaseeyo qadiyadda la’isku haysto, isku dayo in uu abuuri karo meel laga wada ambaqaadi karo (Common Ground) si loo gaadho nabadgalyo waarta oo ku dhisan cadaalad iyo sinaan taas micnaheedu ma aha in uu magaca iyo maamuusta uu ku soo caano maalay mudo badan ku lumiyo dhax-dhaxaad la’aan.

Qadiyadda shacabka Somaliyeed ee gumaysiga Itoobiya ku hoos jira ma’aha mid ka qarsoon caalamka, mana aha qadiyad la ga la cararayo qof ama haya’ad danaynaysa ina ay ogaato ama xalkeeda wax ka raadisa. Is la mar ahaantaana, machadka IHASA oo ka mid ah haya’daha sheegtay ina ay danaynayaan qadiyadda shacabka Soomaliyeed ee gumaysiga ku hoos jira; waxaan u malayn in aanay cidna uga amar qaadanaynin wadaday u mari lahaayeen hadafka ay leeyihiin. Haddii uu machadka IHASA ku khaldamo qadiyadda shacabka Somaliyeed ee Ogaadeeniya, waxaa ka horimanaya taariikhda oon taageeraynin qalooc. Waxaana diidaya shacabka qadiyadda is ka leh iyo ururka hogaaminaya halgankiisa ee ONLF, mana ahaanayso wax qarsoomaya oo taariikhdu iyada ayaa is xusta.

Ugu dambayn, qofna yuusan isku dayin in uu u soo hagoogto qadiyadda shacabka Soomaliyeed ee Ogaadeenya. ONLF waa urur Gobanimadoon, leh xeer iyo shuruuc, hogaamin iyo ka la dambayn. Qofkii doonaya in uu wax ka ogaado halganka socda iyo heerka uu marayo, wixii su’aala ahee uu qabo haku hagaajiyo marinada ay mudan tahay oo uu garanayo.

Wabbillaahi Towfiiq

Xafiiska Hogaanka Warfaafinta ONLF

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay