Waxay Qaybtii 1aad ee qiimaynta xukunadii gumaysiga usoo wakiishay shacabka S.Ogadenya, ee indheergaradkii fadhiga isugu yimid ay kusoo ururiyen Kow iyo Labaatankaa Qodob inuu ahaa jawr-falkii maamuladii ka horeeyay Cabdi Iley. Q2aad ee Qiimaynta waxaan ku eegaynaa waxay ka yidhaahdeen Indheergaradkaa mudaduu xukunka haystay Cabdi Ileys nooca uu ahaa iyo dhibaatada soo gaadhay dadweynaha iyo gumaysiga doorka uu ku lahaa dhibaatayntaasi. Waa qaymeen mudan in taariikhda loo kaydiyo.

Hadaba laga soo bilaabo intii uu Cabdi iley  hogaanka noqday ilaa hadda sidey wax yihiin ama  isubadalen:

1. Maadama oo aay dadka Soomalidu 100% muslimiin yihiin islamarkasna layskula yaabo xumaanta iyo waxyaabaha ah danbiyada kabaa’irta ah sida dalka, dhaca, fawaaxishta  kale iyo in lays jaajuso, ama aad walaalka disho ama wax kasheegto ugu horeynba waxaa laga bilaabay in labadalo dhaqankaa wanaagsan ee ka hor imaan kara sida ay Itobiya wax u rabto oo ah in lays dili karo lays wanjili karo, lays dhici karo iyo in aan layskula yaabin macsida sida tumashada iyo in khamrida lacabo laguna maydho.

2. Cabdi iley  markii uu hogaanka noqday 3cisho kadib waxay Regional Security Council-ka oo aay hogaaminayaan general Abraham wolde iyo MR Abay Sehaye  oo markaas ahaa lataliyaha amniga ee Melez Zenawe waxay go’aamiyeen oo ay ansixiyeen proposal ama qorshe ay keensadeen Cabdi iley  iyo Daa’uud. Qorshehan ayaa waxaa kamid ahaa in qofka laxidho aan laweydiin karin cida xidhay sababta loo xidhay meesha lageeyey ee uu hada ku xidhanyahay, iyo in sidoo kale xabsiga ladhigo talaabo adagna laga qaado cidii la arko iyadoo qof laxidhay u hadlaysa ama cunto iyo waxyaabo kale u geeyneysa.

3. Inyar kadibna waxaa lasameeyey ciidanka liyuu booliska (Hawaarin) waxaana qaybtoodii ugu horaysay maalintii loo soo xidhayey tababarka uu Cabdi iley  ugu qudbadeyey in ay wadanka iyagu xukumaaan marhadii uu dagaal kasocodo, wuxuuna yidhi qorigiina ayaa gudoomiye ka ah meelwalba. Dila cidii aad doontaan dhaca cidii aad doontaan kufsada gabdhaha, waxaana balan inoo ah in la arko gees-ka-gees dhiig iyo cabaad badan oon kala go’aynin.

4. Guud ahaan waxaa labaneystay dilka, dhaca, kufsidaga, xidhayga, taasoo horseeday in laysugu faano intaasaan dilay intaasaan dhacay, sinada iyo cabitaanka khamrida ama daroogada kale ayaa iyaguna ka qayb qaatay in ay sahlanaato in wax ladilo ama la dhaco
ama laxidho.

5. Waxaa deegaanka laga saaray hay adii Red Cross Geneva si fursad loogu helo dilka, xadhiga iyo uusxabaalka shacabka iyo in aan lakala ogaanin cid laxidhay iyo cid ladilay.

6. Waxaa system-ka (nidaamka) dawladda laga saaray dhamaan dadkii damiirka lahaa ee shacabku doonayey ama usoo istaagayey kuwaas oo laga dhigay wax ladilo wax laxidho iyo wax wadanka ka carara oo meelahaas u baxsada taas oo kaliftay in guud ahaanba systemka dawladda ee heer kilil ilaa heer qabalee laga tuujiyo ama laga nadiifiyo shaqsiyaadka noocaas ah, taas oo kaliftay in maanta aan lalayaabin in qof ladilo, ladhaco laxidho, in gabadh la faraxumeeyo iyo in khamrida iyo daroogada laysugu faano.

7. Guud ahaan xidhayga, dilka, dhaca iyo dhaqankii ama diintii in labadalo dhamaan todobadaas iyo kuwa kale intaba waxaa lagaadhsiiyey meel foog oon waligeed lagu fikirin in lagaadhsiin karo ama ay Itobiya kahelikarto dadka Soomalida ah dad ilaa
heer kaas wax gaadhsiin kara. Waxaana ka mid ah waxa aad looga naxo in ay maanta Itobiya lafteedii kayaaban tahay dadkan aay abuurtay ee aay systemkii gacanta u galisay.

8. Guud ahaan shaqadii iyo manaafacadkii dawladda waxaa lagu xidhay xumaan aan lakala qaadin ama aan sarifneyn oo jumlad ah. (Anyhow package) xumaan ah oo wada socda. Taasoo uu macneheedu yahay kheyradka waxaa loo ogolyahay oo kaliya cidii xumaantaas Cabdi iley  iyo xulufadiisa kuraacda ee dabka kula dhacaysa.

9. Ilaa maalintii uu Cabdi iley  hogaanka noqday ilaa maanta waxaa gaajo, silic iyo jildil ugu dhimata maalin walba jeel ogaadeen kaliyeeta ugu yaraan 13 maxbuus.

10. Laga soo bilaabo mililike, Xaylesalaase ilaa Mingistu taariikhda deegaanka waa markii ugu horeysay ee maxaabiis kabadan 20kun inta jeel lageeyo oo laguna qufulo ciidana lakordhigo hadana layidhaahdo lama arki karo lamana booqan karo, cuntona looma geeyn karo.

11. Waa markii ugu horeysay taariikhda aduunka in meydka maxbuuska lacag laga bixiyo sidii loo aasi lahaa. Waxaan maanta marag kanahay in aan meydka maxabuuska lasiinin dadkoodii ilaa ooy bixiyaan 5 ilaa 10kun oo birr.

12. Waxaa jira maanta in dhiiga dadka lacag laga dhigayo. Qofbaa laxidhayaa aan danbi galin waxaana loo xidhayaa hanti ama xoolo. Kadibna 10sano ayaa lagu xukumayaa. Jeel ogaadeena ayaa lageeynayaa ama waxaa laleeyahay abaal maku qabtaa in lagu siidayo oo kaliya. Sidoo kale waa markii ugu horeysay ee caalamka lagu arko in qof lagu xukumo ama lagu soo qoro canshuur kabadan hantida uu haysto ee canshuurta laga rabo. Micnaha canshuurta laga rabo ee madax furashada ah ayaa kabadan hantida taala meherada ama xoolaha laga rabo canshuurta.

13. Guud ahaan waxaa lagu tuntay sharcigii waxaanaba meesha laga saaray ilaa 0% dhamaan haya’dihii sharciga sida baarlamanka, maxakamada iyo xeer ilaalinta oo ah meelaha uu sida gaarka ah Cabdi iley  xooga u saaray, waxaana iyaga loo badalay qaab-dhismeed ahaan oo (structural change) ayaa lagu sameeyey ilaa heer garsoorayasha heer kilil heer gobol ilaa heer degmo ayba noqdaan xubno katirsan sirdoonka liyuu booliska oo mushaharka ka qaata halkaas, warkana geeya taas oo sahashay in haya’daha sharcigu ay hoos yimaadan Mukhtaar suubane oo ah madaxa sirdoonka liyuu booliska. Tusaale ahaan qofka laxukumayo mudada lagu xukumayo waxaa marka hore soo jaan gooya sheekh mukhtaar iyadoo la isticmaalayo erayo gaar ah sida;1 – meelsaar;  oo lamid ah maxbuuska oon maxakamad lakeenin ugooya xukunkiisa kuna xukuma inta u dhexeeysa 3 sano ilaa 5 shan sano. 2 – Dhadhiciya; oo lamid ah xukun adag oo udhexeeya 15 sano ilaa 25 sano. 3 – Aakharo udira oo lamid ah xabsi daa’im ama madaxa hakufurto.

14. Awooda maanta degaanka kajirtaa waa midan hubeysan ee uu xukumo Cabdi iley  oo kaliya

15. Musuqmasuqa, eexda iyo qabyalada hoose ayaa gaadhay meel adag, wuxuuna gaadhay Cabdi iley  in uu sameeysto shirkado u shaqeeya oo hadana magac dawli ah wata. Waxaa sidoo kale sameeysmay xubno federalka ah oo kunool lacagta deegaanka kuwaas oo kalifay in Cabdi iley laguhayo systemka.

16. Waxaa maanta Jigjiga jooga kumanaan qoys oo ka yimid degmooyinka oo aroor walba Jeel Ogaadeen u kalaha kuwaas oo quudareynaya bal in ay warkahelaan dadkoodii, dadkan oy kabaylaheen xoolahoodiina ka baaba’een.

17. Guud ahaan horumarkii wuxuu noqday been lagu celcelinayo si loo qaato oo kaliya, sidoo kale dhaanto, musiq, xaflado iyo shirar lacag lagu cunayo oy dadkiina ka ooman yihiin.

18. Waxaa sameeysmay nidaam dhan oo been iyo khiyaali kuwada socda una kala baratamaya xumaanta.

19. Inkasta uuna qoys fayoobi jirin marka la eego 6lixda million ee deeganka ku nool hadana waxaa layaableh in aay maanta meesha ka baxeen ugu yaraan 500 boqol oo qoys oo aan maanta tafiir ama waraso aan laga haynin oo nina uuna ka taagneyn. Sidoo kale waxaa jira qabillo uuna maanta qoys kajoogin markii la eegay ama dibloo jeleecay kuwaas oo Cabdi iley  kahor ahaa dad meelo dagan oo caan ah oo magac leh.

20. Wuxuu musuqmaasuq aan hada kahor jirini uu ka jiraa dhinaca dhulka istimaalkiisa iyo bixintiisa waxaana mashruuc lagu shaqeysto noqday magac qurbajoogta laakiin maanta ma arkikartid hal qof oo magacle oo qurbajoog ah oo dhul uu wax kadhiso lasiiyeey, waxaana dhulka lasiiya oo kaliya dad dib u iibiya waxaana maanta budh ah inaad arki karto ama jira muwaadin doonaya in uu waxdhiso oo waayey dhulkii kadibna dib uga gatay mid dibjir ah oo lasiiyey dhulbaaxdweyn oo uu kolba in gato ama masaariifto.

21. Lagasoo bilaabo maalintii uu hogaanka noqday Cabdi iley  waxaay si dhab ah oon loo kala hadhin ay dadka deegaanku halmar udareemeen in aay Itobiya tahay gumeeysi, sababtoo ah wakhtigan ayaa waxaa la arkay soona ifbaxay gumeesyigii oon shaadh xidhneyn, waxaana la arkay dhamaanba calaamadihii uu gumeeysi lahaa taas oo ah 1 – in lagala dagalamo diinta iyo dhaqankaaga wanaagsan 2 – In bulshada lagala dagaalamo ficilada wanaagsan ee kusaleysan dhaqankooda iyo diintooda  3 – In sigaar ah loo target gareyo dadka saaxiibul caqliga ah (waxgaradka ah). 4 – In maamulka laguugu dhiibo kandadka ugu liita ugu xun ugu akhlaaq xun ugu macsi badan ugu naxariisdaran  5 – In lahelo dad madax kaa qaraaca laakiin dadkaaga katirsan, muuqaal ahaan iyo ficil ahaana gumeeysiga ka basarxun .

22. Xabsiyada iyo meelaha dadka lagu xidho oo aad ubatay

23. Dadka oo sigooni ah loo ciqaabo si aay u cabsadaan, bahdil aan horay loo arkin sida  qofka oo inta laqaawiyo biyo la-mukhuursiyo kadibna afka xaar loogu guro ka dibna camerad ama kaamera laga duubo isaga oo qaawan afkana xaar ugu buuxo.

24. Guryaha dawlada oo xoog lagula kala baxo tusaale ahaan nin liyuu boolis ah ayaa dul imanayaya qof  mudo dheer gurigaas daganaa ka dibna alaabta ayaa loosoo tuur tuurayaa qofkii isaga oon waxba cidi weeydiinin.

25. Guud ahaan Cabdi iley  iyada oo aanan dulmeynin waa nin wanaaga dhamaantiis allergic kule kana soo horjeeda.

26. Degaankii waxaa gacanta loo galiyey dad xun xun oo macsida isugu faanaya iyo dhilooyin. Soomalidu waxaay tidhaahdaa fiqi tolkiikamajanatago. Cabdi iley waxaa loo yaqaanay markii horeba oo ay naaneystiisu ahaayn jirtay dhilo koriye, waana tan hada ka muuqata dhaqankiisa, ficilkiisa, hadalkiisa. Tuaasle ahaan Maryan Musrsal ayaa in ay halkan timaado lagu bixiyey malaayiin lacag ah sidoo kale xafiisyada dawlada ayaa lagu qasbay in ay min 20laban tan kun siiyaan Maryan Musral.

Noora Afgaab/Jigjiga.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay