Minneapolis, Sabti,  05 July 2014  waxaa magaalada minneapolis ka qabsoomay shirkii billaha ahaa ee jaaliyada gobolka minneasota. shirkan oo si wayn usoo agaasimeen gudi farsamo oo heer gobol ah ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu dhiso maamul cusub oo uu gobolku yeesho kadib markii maamulkii hore ee gobolkan Minneasota wakhtigiisii dhamaaday islamarkaana bishii hore gudi farsamo la qabtay oo arintaa doorashada ka soo shaqeeya. waxaa kaloo qorshaha shirka garab socday barnaamij cun oo caawi (AFUR) ah oo Maamulka dhalinyarada OYSU Minneasota u soo diyaariyeen xubnaha faraha badan ee meelaha fog fog ka yimid.
Shirkan oo ka dhacayay xafiiska wayn ee jaaliyada gobolkan Minneasota ayaa wax-yar salaadii casar kadib ku billoowaday jawi aad u wanaagsan oo dadku si qurux badan u fadhiyeen waxaana cod baahiyaha qabsaday hogaanka arrimaha diinta ee jaaliyada sheikh abdifatax xassan arab oo wacdi iyo muxaadaro madasha shirka ka soo jeediyay sheikha oo xaqnimada halganka iyo sida bishan barakaysan looga faaiidaysan lahaa ku fogaaday ayaa xubnaha jwxo usheegay in xilligan ramadaanka inta lagu jiro cibaadaystaan illahayna ummada reer ogadenia in dhibka ka dulqaado loo duceeyo islamarkaana sheegay in masaakiinta iyo agoonta jwxo wax lagu celiyo xiligan adag iyo xili kastaba ayuu sheikhu yidhi.  Waxaa kaluu dhamaan jaaliyaadka ugu baaqay in dadka reer ogadenia ee xeryaha qaxootiga ku rafaadsan wax la taro xiligan bisha barakaysan ee ramadaanka.

Intaa kadib waxaa shir-gudoonka shirka oo ahaa Hogaanka HAAU ee jaaliyada gobolka Mudane farxaan Axmed uu ku soo dhaweeyay gudoomihii wakhtigiisu dhamaadka ahaa ee Gobolkan Minneasota Mudane Abdinaasir xirsi ahmed (Gaani) kasoo halkaa warbixin dheer oo taariikhi ah ka akhriyayay.

Ugu horayntii wuxuu mudannuhu ka warbixiyay wax qabadkii xilligii ay maamulka hayeen isagoo sheegay in dhamaan qorasha hawleedkii 2013ka/2014ka ay sidii uu ahaa uga soo dhalaaleen ayna intii laga rabay toban jibaareen isla markaana maanta wax-qabadkoodii uu cadyahay oo gobolkan iyo aduunkaba laga dareemay isbadalka aan samaynay mudadii yarayd ee aan joognay. waxaana taa daliil u ah sida aan maanta uga hawl-galay gobolkan iyo xafiisyada aan ku leenahay gobolkan iyo hor u kac aan ka samaynay xaga siyaasada maraykanka iyadoo maanta siyaasiyiinta gobolkan xisbigaydoonaanba ha ahaadaanbee si cad inoola shaqeeyaan si joogta ahna inoogu yimaadaan inoona hawl-galaan waxaa kaloo aad ogtihiin inkabadan 20 shir oo caalami ah in aan qabanay mudadii yarayd inagoo isku duuban dhamaanteen iyo riwaayado aan bulshada ku abaabulaynay oo wacyigooda kor ugu qaadnay . waxaa kaloo aad ogtihiin in arrimaha xuquuqul insaanka aan kor u qaadnay oo shirar uqabanay aan dhibka shacabka ku soo bandhigaynay shirkaas oo aan khuburu caalami ah ku marti qaadnay oo uu Graham Peebles ka mid ahaa oo aan London UK ka keenay.waxaa iyana la ilaawikarin in aan saxaafada kor uqaadnay Ogaden TV iyo shir wayn oo aan ugu magac daray Xasuuqii la ilaaway ee ogadenia ku qabanay halkan Minneasota oo madax uu ka mid ahaa Jonathan Alpeyrie oo wariyi caana oo taakhi kuleh halganka ogadenia hada kahorana shaqo kutagay gudaha ogadenia. waxqabadka maamulka ma aha mid aan shir iyo labo kusoo koobo karo waxaan kicinay oromadii iyo dhamaan mucaarakii ethiopia waxaan qabanay mudaaharaadyo waxaan aqalka cad ee white houseka ugudbinay cabashooyin isdaba joog ah, waxaan fashilinay dhamaan qorsheyaashii Tigreega,Ha-waarinta, Ajja-gudhayda, dhux-dhux-layaasha iyo dhamaan qorashayaasha qabaailada iyo qabyaalada salka ku hayay ee naloo soo maleegay waana ka adkaanay kooxda yar ee TPLF ee gabalkeedee dhacay. dadkana wuxuu uga digay shirqoolada cadawga naf la caariga ah ayuu Halgame Gaani kusoo dhamaystiray warbixin ugu yaraan hal saac iyo badh socotay.

gabagabadii wuxuu amaanay dhamaan maamulkii iyo xubnahii sida wanaagsan ula shaqeeyay wuxuuna ku booriyay in maamulka danbana sidii iyo si ka wanaagsanba ula shaqeeyaan.

intaa kadib waxaa la wareegay shirka xidhiidhintiisa galayna hawshii doorashada ee xubnuhu uyimaadeen Mudane Ing Axmed Majeerteen oo mahadcelin kadib udagdagay gudo galistasta doorashada oo habka gacantaaga u dhacaysay waxaana xubnahuu xuleen masuuliyiinta loo soo sharaxay gudoomiyaha gobolka oo ugu dabaytii guushii raacaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Halgame Abdinasir xirsi Axmed(gaani) messha Gudoomiye kuxigeena loo doortay Abdi Aden(abdidheere) waxaana halkaa lagu dhamaystiray dhamaan maamulkii gobolka minneasota.

kadibna waxaa loo dareeray Afurkii ay Maamulka OYSU MN soo diyaariyeen ee loogu talagalay in agoonta lagu caawiyo.

Mamulkan Cusub ee la doortay ayaa waxay balan qaadeen inay bilabayaa abaabul baladhan oo ay ugu magac dareen Gumaysi Qusiye” oo dhamanba si is daba jooga uga bilabayana qaradan W/Amerika.

Shirkan oo dhamaan masuuliyiinta jwxo iyo maamulda tuulooyinkuba ka hadleen ayaa Jawi aad u wanaagsan ku dhamaaday iyo dardaaran ah hadal yar iyo hawl badan.

 

ONA.

Minneapolis.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay