Warbixintii Xarunta Dhexe ee JWXO ay ku faahfaahiyeen laba dagaal oo xoogan oo 3dii bishhan July lagu qaaday ciidanka cadawga ee xeryaha ka samaystay dalka Ogadenia ayaa lagaga dilay inta la hubsaday ciidan kor u dhaafaya 31 Askri oo darajooyin kala duwan watay iyo dhaawac intaa ka badan. Waxaa kaloo ka mid ahaa warbixintan aan helnay dagaal lagu qaaday Sanxaskule iyo aaga shilaabo. Waxayna u dhaceen dagaaladaa sidan;

03/07/2014 Dagaal xoogan oo ka dhacay Diyaar oo Dhagaxbuur katirsan waxaa ciidamada saama laluudka ah ee gumaysigaEthiopialagaga dilay 15 Askari waxaan lagaga dhaawacay 19 kale.

03/07/2014 Geelmawaydo oo shaygoosh ka tirsan dagaal ka dhacay waxaa askarta mooraalka jabsan ee TPLF kajoogta Ogaadeeniay lagaga dilay 9 Askari waxana lagaga dhaawacay 4 kale.

10/06/2014 Sanxaskule oo Galaalshe katirsan waxaa lagu dilay Ninkii gumaysiga ugu magacownaa Gudoomiyaha Tuulada Sanxaskule oo lagu magacaabi jiray Macalin Ibraahim.

25/06/2014 Dagaal ka dhacay Dhextaal oo Shilaabo udhow waxaa ciidamada gumasyigaEthiopialagu gaadhsiiyey khasaare xoogan.

27/06/2014 Guban oo Caado udhow dagaal ka dhacay waxay dagaal yahanada ururka ONLF ku dileen 7 kamid ah Askarta gumasyiga Ethiopia halka ay ku dhaawaceen 9 kale.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay