Wararka nagasoo gaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa ka warbixiyay dagaallo meela kala duwan ka dhacay. Dagaalada socda oo ah kuwii bisha barakaysan ee Ramadaanka ayaa cadawga lagu gaadhsiiya khasaare laxaadleh, oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalada Bisha ramadaan oo meela kala duwan oo Ogadenia ah ka socda ayay warbixintii ugu dambaysay een helnay u dhacay sidan.

20/6/14 Ilkacadayowga oo dagmada  Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan weerar ay CWXO ku qaadeen ciidan uu gumaysigu leeyahay oo halkaas kusugnaa waxay kaga dileen 9 askari 6 kalana way kaga dhaawaceen.

21/6/14 Oondheere Iimaybari katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

23/6/14 Daanyeeray oo dagmada Iimaybari katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka dulmiga iyo doolka kujooga ciida xalaasha ah ee Ogadenia lagaga dilay 2 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/6/14 Daanyeeralay oo Iimaybari katirsan weerar ay markale CWXO kuqaadeen ciidanka cadawga waxay kugaadhsiiyeen khasaare laxaad leh oo aan faahfaahintiisa lahaynin.

2/7/14 Danbardaadiye oo Caado katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

4/7/14 Darguduud oo Iimaybari katirsan dagaal xoogan oo kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare laxaad leh.

12/7/14 Saaladhowr oo Iimaybari katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka daalan ee gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa wali lahelin.

14/7/14 Carajiifka oo Tuulada Caado ee Gobolka Doollo katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxaa soogalay ciidan lug ah uu kuwa cadawga ah waxayna ka dileen 3 askari 5 kalana way kadhaawaceen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay