Waxaa khadka is-gaadhsiinta isugu yimid maamulka Jaaliyadda Ogaadeeniya Ee Koonfur Afrika halkaasoo ay kaga arinsadeen hawla muhiim u ah Jaaliyadda Ogaadeeniya Ee Koonfur Afrika iyo halganka shacabka S.Ogadenya.

Shirkan oo ay kasoo qayb gakeen dhamaan maamulada Faracyada xubno matalaya iyo Maamulka guud ee Jaaliyada ayaa ahaa mid wada tashi ah oo warbixin waafi ah laga dhagaystay Gudoomiyaha Jaaliyada isagoo ka warbixiyay wax qabadkii iyo Go’aamadii Gudida fulinta ee jaaliyadda.

Sidoo kale  waxaa  masuuliyiinta faracyada laga dhagaystay warbixino  waafi ahay kaga warbixyeen intii u dhaxaysay labada shir bileed.

Shirkan oo xaalada badan lagaga hadlay ayaa lagu gorfeeyay go,aamo wax ku ool ah iyadoo Jaaliayadu u diyaar garoobayso sidii loo qaban lahaa Xalfadii 30 guuradii JWXO oo dhici doona bisha soosocota in shaa allaah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay